Madaxweyne Biixi Oo Lagu Eeddeeyey Inuu Eexaysanayo Dheefta Dhaqaale Ee Ay Ka Fa’iidayaan Qoyskiisu Shirkadda Itoobiya Airline

“Sababta Fly Dubai Iyo Air Arabiya Loo Xidhay Waa In Diyaaradda Itoobiya Ee Ay Wakiilka Ka Yihiin Qoyska Madaxweyne Biixi Inay Macaashto.”

Afhayeenka Beelaha Garxajis Jiif Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir ayaa waxa lagu xumaaddo ku tilmaamay inuu Madaxweyne Biixi uu ku gacansaydho ergadii toddobaadkii hore la kulantay ee ka socotey beesha Bariga Burco, kuwaas oo kale hadlayey inuu xayiraada ka qaado Diyaaraddaha Fly Dubai iyo Air Arabia.

Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu yahay mid ugu danaynaya shirkada qoyskiisu ay Wakiilka ka yihiin ee Itoobiya Airline, taas oo hadda ku keli yeysatay suuqa duulimaadyada caalamiga ah ee Somaliland, isla markaana laba jibaartay qiimaha kale duwan ee lagu raaci jiray iyada cahdigii ay shaqayn jireen diyaaradahaas Fly Dubai iyo air Arabia.

Jiif Caaqil Rashiid Jaambiir oo wareysi gaar ah siinayey Telefishanka Sahan Tv ayaa haddaladiisa waxa kamid ahaa kuwan :-“Horta arrintaa labada shirkadood ee Fly dubai iyo Air Arabia waa shirkaddo caalamiya oo aduunka ku xidhi jiray dalkeena, runtiina faa’iido fara badani ayaa ku jirtay,dhinaca kale ganacsi ayey abuurayeen oo shaqaale baddan iyo dhaq-dhaqaaq badan oo dhinaca Ganacsiga ah ayey qayb ka ahayeen.”Ayuu yidhi

Dhanka kalena  Afhayeen Caaqil Jaambiir,ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi ay ergo ahaan ugu tageen laba Suldaan,kuwaas oo kale hadlayey inuu xayiraada ka qaado diyaaradahaas,balse aanu ka aqabalin dalabkoodii “Waxa in la xuso muddan arrintaas waxa ka ergeeyey oo Madaxweynaha ugu tegay laba Suldaan oo kamid ah Salaadiinta Wadanka kuwa ugu muddan Somaliland ayaa uga ergeeyey arrintaas in Madaxweynuhu uu fasaxo ,Madaxweynuhu wuxuu u sheegay inuu arrintaas Golaha Wasiiradda uu horgeyn doono, iyadoo annigu aan qabo inay arrin maamul tahay oo inuu diido iyo inuu aqbalo ay isaga ku xidhnayd, haddana wuxuu sheegay inuu Golaha horgeyn doona , waxaa jira birrimageydo dadka noocaas ah ee acyaantaas ah in lagu soo celiyo ama ergadooda lagu aqbali waayo may ahayn,ergada raggaas culus ee aan tilmaamay Inuu Madaxweynuhu aqbalaa ayey ahayd.”

Waxaanu intaas ku sii daray Jiif Caaqil Rashiid Jaambiir “Waxaynu ka wada dheragsanay oo muran madoona in Madaxweynuhu wuxuu doonayo ay Golaha Wasiiraddu ansixiyaan,wuxuu Madaxweynuhu rabbo Golahaas qof diidi karaa kuma jirro,wuxuu Madaxweynuhu diidan yahay qof yeeli karaa kuma jiro,waxa muuqata oo rasmi ah inuu Madaxweynuhu arrintaas uu diidanaa isaguna uu ka shaqeeyey Golaha Wasiiraddana uu ugu dhigay sidan inay ku diidaan.” Ayuu yidhi

Ugu Dambeyn Jiif Caaqil Rashiid Jaambiir ayaa sheegay inuu Madaxweynuhu yahay mid u danaynay qoyskiisa oo Wakiil ka ah diyaaradda Itoobiya Airline “Waddankeena waxa iman jiray saddex diyaaraddood oo caalami ah, Fly Dubai Air Arabia muddadaa aad sheegaysana saddex-duba wey shaqaynayeen,saddex-da diyaaraddood waxay ahayaan qaar caalami ah oo aduunyada oo dhan inagu xidhay, waxa ka uray saddex-da diyaaradood laba kamid ah oo ah kuwa hadda haddalku ka taagan yahay shacbiga reer Somaliland qaar kamid ah ayaa Wakiilo ka ahaa, diyaaradda Itoobiya Airline waxa sidaynu ognahay Wakiil ka ah inanka uu abtiga u yahay Madaxweynuhu ee Walaashii dhashay markaa dano dhaqaale ayaa ku jira , arrinta diyaaraddahaa loo xidhaya waxa weeye waa in ay diyaaraddaa qoyska Madaxweynuhu uu Wakiilka ka yahay inay shaqayso oo ay faa’iidada qaadato ,arrintaas waxay i xasuusinaysaa haddalkii Maxamuud Xaashi ee ahaa inuu qoys Qani noqdo waxa ka mihiimsan inuu Qaranku qani noqdo.”Ayuu yidhi Caaqil Jaambiir.

Xigasho: wargeyska Saxafi