Madaxweyne Biixi waxa dhaqan-galiyey xeerarka Qandaraasyada Qaranka Xeer Lr. 82/2018 iyo  Xeerka Kalluumaysiga Jamhuuriyadda Somaliland, Xeer Lr. 84/2018

 

WAR-SAXAAFADEED:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahayJSL/XM/WM/222-207/102018, ku dhaqan-geliyey laba xeer oo kala ah, Xeerka Kalluumaysiga Xeer Lr. 84/2018 iyo Xeerka Qandaraasyada Qaranka Xeer Lr. 82/2018.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- 

Wareegto Madaxweyne 

Dhaqan-galka Xeerka Qandaraasyada Qaranka Xeer Lr. 82/2018 Iyo Dhaqan-galka Xeerka Kalluumaysiga Jamhuuriyadda Somaliland, Xeer Lr. 84/2018. 

Markaan Arkay:                Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; 

Markaan Arkay:                Go’aanka Golaha Wakiillada, Go’aan Lr. GW/KF-37/808/2018, ee ku taariikhaysan 18/09/2018, ujeeddadiisuna tahay soo gudbin go’aanka ansixinta Xeerka Qandaraasyada Qaranka iyo Go’aanka Golaha Wakiillada, Go’aan Lr. GW/KF-37/809/2018, ee ku taariikhaysan 18/09/2018, ujeeddadiisuna tahay soo gudbin go’aanka ansixinta Xeerka Kalluumaysiga; 

Markaan Arkay:                Qodobada 75aad iyo 76aad, ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; 

Waxaan soo-saaray; 

Wareegtadan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Xeerka Qandaraasyada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Xeer Lr. 82/2018. Iyo Dhaqan-galka Xeerka Kalluumaysiga Jamhuuriyadda Somaliland, Xeer Lr. 84/2018.

bandige@gmail.com