Waxa maanta Hargeysa ka u geeriyooday Agaasimihii hore ee wasaaradda Arrimaha Gudaha, imikana ahaa la-taliye sare oo arrimaha Gudaha ah, marxuum Cabdi Axmed Nuur.
Marxuunka waxa uu hore uga soo shaqeeyo hawlo badan oo ay ka mid ahaayeen hor u marinta bulshada iyo sidoo kale arrimaha siyaasada.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdi Axmed Nuur (Cabdi Guray) oo ku geeriyooday saaka oo ay taariikhdu ahayd 22/03/2021 Caasimada Somaliland ee Hargeysa.
bandhige@gmail.com