Tan iyo bilowgii aas-aaska qaramada midoobay ( United Nations 1945) waxa soo baxayay baaqyo, heshiishyo iyo xeerar caalami ah oo ay dunidu ku heshiisay in la dabaqo oo la fuliyo. Baaqyadaas waxa ugu wayn uguna saamayn badan baaqa caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha, kaas oo badan ka baddalay qab dhaqanka dunida iyo aadanaha. Sidoo kale baaqyada samaynta yeeshay waxa ka mid ah shuruucda badaha, xeerarka caalamiga ah ee figaynta iyo jidh dilka, xeerarka caalamiga ah ee dambiyada dagaalka iyo qaar kale oo badan.
In badan waxa dhagaheenna kusoo dhacay, xuquuqda aadahana, xuquuqda haweenka iyo xuquuqda dumarka iyo xuquuqo kale oo xayawaanku ku jiraan xataa. Dabcan waa qaddiyad ballaadhan oo aan erayo lagu soo koobin karin in si buuxda qof loogu qanciyo. Haddaba bal aynu si fudud u macnaynno waxa looga jeedo xuquuq oo dabcan macnayaal badan loo hayo. Sida in badan laga soo dheegto culuumta bulshada waxa ay xusayaan in xuquuqdu ay yihiin lahaanshiya shay aanay cidina ku duudsiin karin oo ay diintaada, dhaqankaaga amma xeerarkaagu kuu jideeyeen.
Ka hor ilbaxnimada aadahana, isha ugu wayn ee xeerarka bulshado kasoo burqadaan waxa ugu waynaa marka kasta ugu horrayn jiray diinta, qofkii diinta wax ka baxsan la yimaaddana waxa uu mustaysan jiray ciqaab dil amma ciqaab kale oo adag oo ah ceebayn iyo in xorriyadda laga qaado. Dhammaan diimaha ibraahiiyadu waxa ay ka siman yihin in xaqa ugu wayn ee qof leeyahay uu Eebbaha wayni u damaanad qaaday. Diinteenna suubban ee islaamka waxa ay in badan adkaystay xuquuqaha kala geddisan ee ay aadanuhu isku leeyihiin.
Diinteenna suubban waxa ay in badan ka hadashay xaqa waalidku ilamaha ku leeyahay, xaqa ilmuhu waalidka ku leeyahay, xaqa ninku gabadhiisa ku leeyahay, xaqa ay gabadhu ninkeeda ku leedahay, xaqa dadka isku isku leeyihiin, xaqa lagu leeyahay maamulka iyo cidda markaas haysa hoggaanka umadda. Guud ahaan dunida muslimka meesha wax kasta oo diinta iyo nolosha la xidhiidha waxa ay loogu noqdaa Sunnada iyo Quraanka Kariimka ah.
Haddaba wixii ka dambeeyay dagaalkii labaad ee dunida, is baddal badan ayaa ku yimi dunida oo la xidhiidha dhanka bulshada, siyaasadda, dawladnimada, ganacsiga iyo guud ahaan qaab nololeedki dunida ee wakhtigaas oo bilaabmay. Wakhtigaas dunidu waxa ay ogaatay in dagaal la galo aanu haba yaraatee wax faaโido lahayn ka dibna dunidu waxa ay u jeedsatay tartan adag oo lagu liibaanay. Wakhtiyadii hore dunida waxa lagu doodi jiray anaa kaa awood iyo ciidan badan, maanta se waxa lagu dagaallmaya anaa kaa dhaqaale, siyaasad iyo aqoon badan, tan ayaa u muuqata mid dhab oo aynnu indhaheenna ku arki karo.
Is baddalkaas balladhan ee dunida ka dhashay waxa ka mid ah in qormadana aynu kaga hadli doonno heshiishka caalamiga ah ee xuquuqda caruurta, kaas oo inta la ogyahay wax badan taray. Bal aynu milicsanno taariikhda guud ee xuquuqda caruurta.
Sannadku markuu ahaa 1924 ayaa la xusaa in ay tahay markii ugu horraysay ee la arko cid ka hadasha xuquuqda caruurta, waxaana bilaabay isbahaysigii waddama ( Leage of nations 1919) waxaana fikraddan lahaa haweenay reer Ingiriis ahayd oo lagu magaaci jiray (Eglantyne Jebb 1876-1928) sidoo kale waa aas-aasaha ururka caalamiga ah ee (Save the Children 1919) wakhtigaas u jeedka ugu wayn ee loo sameeyay xeerarkan in caruurta leh baahiyaha gaarka ah, kuwa ay saameeyeen dagaalladu iyo kuwa fakhrigu haysto loo gurmado.
Sannadkii 1946ย sannad uun ka dib aas-aaskii qaramada midoobay ayaa waaxa lagu dhawaaqay haayadda caalamiga ee dhaqaalaha degdegga ee carurta ( UNICEF 1946) wakhtigaas adduunyadu waxa ay kasoo kabanaysay bur-bur baahsan oo saameeyay gun iyo baar nolosha aadanaha, lama qiyaasi karayn khaasaraha baaxadda leh ee gaadhay nolosha aadana, saas awgeed qarama midoobay waxa goโaansatay in gargaar bani aadanimo oo la fidiyo caruurta oo ah kuwa ugu nugul dhammaan noolayasha, taas oo dhaqaalaheed ay bixinayaan dal kasta oo qayb ka ah qaramada midoobay.
Sannadku markuu ahaa 1948, qaramada midoobay waxa ay ku dhawaaqeen baaqa caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha ( Human Rights 1948) baaqaas 25 qodob oo ka mid ah waxa ay gaar u yihiin hooyada iyo caruurta, siiba kuwa u baahan caawinta gaarka ah amma in hoos loo eego. Sidaas oo kale sannadku marka uu ahaa 1959 qaramada midoobay waxa ay dhaqan gelisay baaqa caalamiga ah ee xuquuqda caruurta kaas oo diiradda saaraya waxbrashada, ciyaaraha iyo deegaan ka fayow xanuunnada ragaadiya caruurta.
Sannadku markii ahaa 1966, qaramada midoobay waxa ay dhaqan galiyeen heshiishak caalamiga ee siyaasadda bulshada rayidka ah, dhaqaalaha iyo xuquuqda dhaqannada. Kaas oo daarnaa ย in dhamman waddamadu dadka ay u sinnaadaan siyaasad ahaa, dhaqaale ahaan isla markaana la tix galiyo dhaqannada kala geddisan, heshiishkan waxa ku jira in la dammaanad qaado waxbrashada caruurta iyo daryeelooda.
Sannadku marka uu ahaa 1968, qaramada midbooy waxa ay qabatay shir looga arrinsanoyo 20 wixii ay waddamadu ka qabteen heshiishyada waawaynaa ee ay saxiixeen inay dhaqan galinayaan, kaas oo waddan kasta uu soo bandhigay wixii ka dhaqan galiyay heshiiskaas, sidoo kale la dajiyo qorshaha mustaqbalka dhaw wixii laga yeeli lahaa arrimahan, taas oo ajande gaar ah laga yeeshay arrimaha caruurta.
Sannadku marka uu ahaa 1973, ururka caalamiga ah ee shaqaalaha ( International Labour Organization 1919) waxa ay dhaqan galiyeen qodobka summaddisu tahay C138 oo ah daโda ugu yar ee uu qofku ku shaqayn karo, sidoo kale ah meesha laga soo dhiraan dhiriyay in ilmuhu uu yahay 18 iyo wixii ka yar taas oo ay mamnuuc tahay in shaqaalaysiiyo ilme 18 jir ka yar. Sida aynnu arki karnana waddamada horumaray ilmuhu ilaa inta uu 18 jir ka gaadhayo waxa ka mamnuuc in la shaqaalaysiiyo, khamri uu cabbo, gaadhi kexeeyo iyo guud ahaan inuu hawl qabto.
Sannadku marka uu ahaa 1974, qaramada midoobay waxa ay soo saareen baaqa caalamiga ah ee daryeelka haweenka iyo caruurta xilliyada dagaalka iyo qalalaasaha ( Declaration on the Protection of Women and Children in Emergency and Armed Conflict) heshiiskan waxa uu ku baaqayaa in xilliyada dagaalada aan la dili karin, la xidhi karin, la ciqaabi karin haween iyo caruur rayid ah. Maxkmadda caalmiga ee dambiyada dagaalka ayaa waxa dhacday in lasoo daagoo dad badan oo lagu soo eedayay inay galeen dambiyo dagaal oo lagu dilay haween iyo caruur.
Sannadihii 1978, 1979 iyo 1985, waxa iska soo daba dhacayay xeerar iyo baaqyo kala geddisan oo ku wajahan daryeelka caruurta, sida xeerarka caruurta gala dambiyada, sidoo kale waxa aad loo falan qeeyay dood xasaasi ahayd oo ku wajahan dilis ku talo gal oo loo geysto caruurta. Ugu dambaynna sannadku marka uu ahaa 1989 ayaa lagu dhawaaqay heshiishka caalamiga ah ee xuquuda caruurta.
Heshiishkan waxa uu si faah-faahsan u qaadaa dhigaya daryeelka caruurta, ee dhinaca dhaqaalaha, bulshada, siyaasadda iyo dhaqanka. Heshiishakani waxa uu ka kooban 54 qodob oo 42 ka mid ah si gaar ah uga hadlayaa xuquuqda caruurta iyo sida la doonayo in loo fuliyo halka 12 ka mid ah ay ka hadlayaa sida uu u shaqaynayo heshiiskani iyo tallaabooyinka la doonayo in la raaco.
Inta aynnaan u gudbin qodobada, akhrista sharafta leh waxa aan ku boorrinayaa inuu kala saaro danaha siyaasadeed iyo xuquuqda ay leeyihin bani aadamku. Waa hubaal inaad is waydiinayso sawka maraykanka iyo dalaka quwadda leh ay dagaallo ku qaadaan waddamada, waa dhab oo dagallo lagu waxyeello caruurta way dhacaan laakin waxa muhiim ah in aynnu ogaanno in sidaasi ku dhacayso danaha siyaasadeed uu dalkaas leeyahay kuwaas oo fulintooda aanay cidna uga haybadsanayn, taas baddalkeeda dalka maraykanka dulqaad uma laha in caruur la waxyeelleeyo.
Tusaale ahaan, muddo badan waxa aynnu maqalnay hooyo laga qaatay caruurteedii, sidoo kale waxa aynu aragnay hooyooyin badan oo soomaliyeed oo caruurtoodi laga qaaday, dalka marakaynka waxa ay leeyihiin komishanka daryeelka caruurta iyo qoyska, waa haayad madax bannaan oo u xilsaaran dareeylka qoyska iyo caruurta. Haayaddana waxa ay dabo gal, qiimayn iyo hubin ku sameeyaan qoys kasta oo ubad leh si loo ogaado in caruurta la waxyeelleeyo.
Saas awgeed shaqaalaha waaxdaas waxa ay waraysanayaan caruurta oo aynnu ognahay inay in aanay been sheegin, ka dib qiimayn badan waxa la ogaanaya in waalidku ilmihiisa uu khatar ku yahay waxaana la goโaaminayaa in laga wareejiyo. Maraykanka iyo waddo kale oo badan waxa ay dhaqan galiyeen in caruurta uu qaranku masuul ka yahay oo aan la aqbalayn in dhibaato la gaadhsiiyo.
Aynnu mid-mid u dul istaagno heshiishka caalmiga ah ee xuquuqda caruurta, heshiishkan wax badan ayaa loo dhigay qaab qoraakiisa, mar la faaf-faahiyo iyo mar loo baddalo erayo koob-kooba iyo sidoo kale in lagu muujiyo jaantusyo kala geddisan. Qodobadan heshiishkan waxa soo fududeeyay haayadda caalamiga ee caruurta ee UNICEF.
Qodobka 1aad: ย Qeexidda Ilmaha: qof kasta oo ka yar daโda 18 ayaa loo aqoonsan yahay caruur. Halkan waa lagu kala tagay, laakiin sida la dhaqan geliyay adduunku caruur waxa loo aqoonsan yahay qof kasta oo ka yar daโda 18 sano. Dhanka kale, qaan gaadhnimada waa lagu duwan yahay iyadoo ay sabab u tahay caafimaadka qofka iyo nolosha uu ku jiro. Diinta islaamku waxa ay qabtaa in qofku uu ku qaangaadho daโda 15 sano, qaan gaadhnimadu waxa ay leedahay astaamo lagu aqoonsado, astamahaas baan suuro gal in dadka qaarkiis lagu arko waana marka la adeegsanayo daโda 15 sano iyo 18 sano.
Qodobka 2aad: Lama Faquuqi Karo: caruurta lama faquuqi karo iyado loo eegayo, deegaanka ay nool yihiin, afka ay ku hadlaan, waxa ay diintoodu tahay, qaabka ay u eegyihiin, wiil iyo gabar cidda ay yihiin, haddii ay naafo yihiin iyo haddii kaleba, haddii hanti leeyihiin iyo haddii aanay lahaynba, cidda waalidkoodu yihiin iyo waxa ay aaminsan yihiin. Ilmo caruur ah sinaba looma faquuqi karo.
Qodobka 3aad: Wixii Ilmaha U Dan Ah: Marka ay dadka qaan gaadh ka ahay samaynayaan ee ay gadhaayaan goโaanada, waxa ku waajib ah inay ka fikiraaan sida uu goโaankaasi u saamaynayo caruurta, goโaan kasta oo kasoo baxaya cid masuuliyad haysa sida, dawladda, shirkadaha, waalidka iyo cid kasta oo goโaan gaadha waxa waajib inay qorshaha ku daraan saamaynta goโaankaasi ku yeelanayo caruurta. Si gaar ah dawladda ayaa masuul ilaalinta guud ee ilaalinta xquuqda caruurta.
Qodobka 4aad: Dhammaan Suxuuuqaha Waa In La Dhaqan Geliyo: dawladdu waxa ay masuul ka tahay in dhammaan haayadaha bulshada iyo dawladdu ay dhaqan geliyeen xeerarka, dawladdu waxa ay masuul ka tahay ilaalinta iyo dabo galka cid kasta oo ku shaqo arrimaha caruurta inay dhaqan geliyeen xeerarka daryeelka iyo ilaalinta caruurta.
Qodobka 5aad: Hagaha Qoyska Iyo Horumarka Caruurta: dawladdu waa inay qoysaska iyo bulshadabaย u ogaalataa inay barbariyaan caruurtooda isla markaana hagaan oo ay baraan dhaqanka iyo xeerarka bulshada u yaala, mar kasta oo caruurta si wanaagsan loo bar-baariyo waa mar kasta oo ay u baahan yihiin in la hago. Sidaas oo kale waalidka, bulshada iyo dawladda ayaa masuul ka ah barnaamijka barbaarinta iyo hagista toosan ee caruurta.
Qodobka 6aad: ย Nolosha, Bad-Baadada Iyo Horumarka : ilmo kastaa waxa uu xaq u leeyahay inuu noolaado. Dawladdu waa inay hubisaa badqabka, daryeelka iyo nolosha caruurta. Dawladdu waa inay hogaajiso oo qiimayn iyo dabo gal ay ku samayso siyaasadda daryeelka caruurta. Sidaas oo kale cid kasta oo shaqo ku leh arrimaha caruurta waxa waajib ah inay raacaan xeerarka caalamiga ah ee daryeelka iyo badqabka caruurta.
Qodobka 7aad: Dhalashada iyo magaca: ilmo kasta oo dhasha waa in la diwaan geliyaa isla markaana loo bixiyaa magac ay dawladdu aqoonsato. Magaca iyo dalashada qofka waxa ay siinayaan xuquuqda loo baahan yahay inuu ilmuhu helo. Caruurta waa inay lahaadaan waalid xannaaneeya. Sidaas oo kale dawladdu waa inay hubisaa isla markaana dabo gal iyo qiimayn ku samaysaa ubadka dhalanaya isla markaana waa inay kaydiso xogaha ubadka.
Qodobka 8aad: Aqoonsi: ilme kasta waxa uu xaq u leeyahay inuu gelo aqoonsi (ID) aqoonsigu waa jaantus ay ku qoran yihiin macluumaadka ilmaha oo ah, magaciisa, dhalashadiisa, qoyskiisa iyo guud ahaan xogta shakhsiga ah. Qofna ma faro gelin karo aqoonsiga qofka. Haddi aanu ilmuhu lahayn aqoonsi, dawladdu waa inay si deg-deg ah ugu samaysaa.
Qodobka 9aad: Isku Haynta Qoyska: lama kala kaxayn karo ilmaha iyo waalidkiisa ilaa uu waalidku noqdo mid aan sidii loo baahnaa u xannaanayn ilamaha ammaba uu waalidku noqdo mid caruurta waxyeelleeya. Caruurta uu waalidkoodu geeriyoodo, waxa khasab ah in dawladda la wareegto amma in lagu wareejiyo qaraabadiisa haddii la heli karo.
Qodobka 10aad: Xidhiidhka Waalidka Iyo Caruurta: haddii ilmuhu uu ku nool yahay waddan kale, waalidka iyo dawladdu waa inay u ugulaadan in caruurta in laga keeno goobtaa ay ku nool yihiin, waxaana waajib ah inay na noolaadaan waalidkood. Wada noolaanshaha qoyska waxa loo aqoonsan yahay qayb wayn oo ka mid bar-baarinta ubadka.
Qodobka 11aad: Ka Ilaalinta Af-Duubka:ย Dawladdu waa in hubiso in caruurta dalka looga saaro sifo sharci darro ah, sidaas oo kale waa in laga ilaaliyo kuwa caruurta beenta u sheega ee ku shaqaysta, haddi lababada waalid ay kala waddan joogaan oo ilmaha loo gudbinayo waddan kale, waa in dawladdu hubisaa in labada waalid ay isku raacsan yihiin dhoofinta ilmaha.
Qodobka 12aad:ย Tix Gelinta Aragtida Ilmaha: Caruurtu waxa ay xaq u leeyihiin inay doortaan waxa ay doonayaan, sidoo kale waxa ay xaq u leeyihiin inay ka qayb qaatan arrimaha qayska si dadban, sidoo kale caruurtu waxa ay xaqย u leeyihiin inay qayb ka noqdaan goโaannada noloshooda khuseeya, caruurtu ka qayb gelinta arrimaha waawayn waxa ay dareemayn in la qiimaynayo.
Qodobka 13aad: La Wadaagista Xogaha: Caruurtu waxa ay xaqu u leeyihiin in xog lala wadaago iyagu xog la wadaagaan hadba cidda masuuliyaddoodu saarantahay sida waalid iyo dawladda, caruurta waxa ay waalidka iyo dawladdaba la wadaagi karaan, waxa ay barteen, maqleen, dareemeen, sawiraan, qoraan iyo guud ahaan wixii la waydiiyo.
Qodobka 14aad: Xorriyadda Fikirka Iyo Diinta:ย Caruurtu waxa ay dooran karaan, aragtidooda, fikirkooda iyo diinta ay doonaa, waa sida uu qaanuunku dhigayo eโ.ย Waalidka waxa laga doonayaa inay caruurta ku hagaan doonistooda taas oo aan waxyeello u keenayn. Ilmuhu waxa uu xaq u leeyahay doonistiisa, keliya wixii aan mustaqbalkiisa iyo noloshiisa u fiicanyn ayaa reebban.
Qodobka 15aad: Ku Biirista Ururada Iyo Kooxaha:ย Caruurtu waxa ay xaq u leeyihiin inay ku biiraan urur kasta iyo koox kasta oo aaanay waxyeello nooca ay doontaba ha noqotee aanay kasoo gaadhay. Ururada iyo kooaxaha ay caruurtu ku biiri karaan ayaa ah kooxaha dugsiga ee ciyaaraha iyo dhaqannada, ururada ka shaqeeya arrimaha bulshada iyo koox kasta oo ay ka heliyaan hiyaawadooda oo aanay waxyeello kasoo gaadhayn.
Qodobka 16aad: Ilaalinta Xogta Ilmaha: Ilmuhu waxa uu xaq u leeyahay inay xogtiisu dhawrsoonaanato, dastuurku waa inuu ilmaha u damaanaad qaada ilaalinta xogtiisa, sida qoyskiisa, dugsigiisa, arrimaha caafimaadkiisa iyo xog kasta oo uu ilmahaas leeyahay. Helista xogaha ilmaha ayaa sahlaysa in si khaldan loo adeegsado.
Qodobka 17aad: Awood U Siinta Helista Macluumaadka: caruurtu waxa ay xaq u leeyahay inay xogaha ka helaan, internetka, wargeysyada, muuq-baahiyayaasha, buugaagta iyo goob kasta oo uu ilmuhu ka xog ka heli karo. Waalidka waxa looga baahan inuu ka war hayo in xogta ilmahaas helayaa aanay ahayd mid dhib u keenaysa, isla markaana ah xog ka madhan wixi qofka ka leexinaya jidka saxda ah. Xogta waa inay ahaataa mid garaadka ilmaha kordhinaysa.
Qodobka 18aad: Masuuliyadda Waalidka: Waalidku waa masuulka ugu sarreeya ilmaha marka laga yimaaddo dammaanad qaadka dastuurka. Waalidku isaga ayaa masuul ka ah ilmaha ilaa inta uu ka gaadhayo daโda qaangaadhka. Haddii aanu ilmuhu waalid haysan, masuuliyadda waa inay qaadaan qaraabadiisa, haddii kalena waa in la geeya goobaha lagu xannaaniyo caruurta bilaa waalidka ah. Waalidku waa inuu qaabka bar-baarinta u maraa xeerarka iyo hagaha bar-baarinta toolmoon ay diyaariyaan haayada ku shaqada leh daryeelka caruurta.
Qodobka 19aad: Ka ilaalinta dhibaatooyinka: Dawladda ayaa ka masuul ah dhibaatooyinka wax yeellayn kara caruurta ee ka midka yihiin, faquuqa, jidh dilka, afduubka, ku shaqaysiga iyo dayacaadda. Dawladdu waa inay dabo gal iyo qiimayn ku samaysaa xarumaha daryeelka caruurta, waalidka iyo dugsiyada loo hubiyo il caruurta la faquuqay amma la dhibaateeyay.
Qodobka 20aad: Caruurta Bilaa Qoyska Ah: Caruurta aan haysan waalid iyo qoys xannaaneeya, waxa ay xaq u leeyihiin inay xannaaneeyaa dadka wanaagsan ee tix gelin u haya ilmaha diintiisa, dhaqankiisa, afkiisa iyo deegaanka uu kasoo jeedo. Sidoo kale ilmaha waxa xannaanayn kara xarumaha ku shaqada leh xannaanaynta caruurta la dayaacay, kuwa agoomaha ah iyo kuwa aan haysan qoys.
Qodobka 21aad: Ilmaha lasoo korsaday: marka ilmaha lasoo korsado, waxa ugu muhiimsan in loo sameeyo waxa ugu wanaagsan ee loo samayn karo. Haddii aan ilmaha si wananagsan loogu soo xannaanayn waddankiisa, waxa uu xaq u leeyahay in loo sameeyo xannaanayn ka wananagsan tii lagu soo bar-baariyay. Caruurtu waa isku wada xuquuq, caruurta lasoo korsaday kama xaq yaraysan karaan caruurta aanay cid kale soo korsan.
Qodobka: 22aad: Caruurta Quxuutiga ah: Caruurta dalalkooda ka yimaadda quxuunti ahaa, waxa ay xaq u leeyihiin inay helaan nolol la mid caruurta kale ee waddanka ay yimaaddeen. Waddan kasta oo caruur quxuunti ah waxa ay u baahan yihiin in la siiyo nabad gelyo, hoy iyo wixii lagama maar-maan u ah noloshooda.
Qodobka 23aad: Caruurta Naafada ah: Ilme kasta oo aanu laxaadkiisu dhammaystirnayn waxa uu xaq u leeyahay inuu helo wax kasta oo u sahlaya inuu si fudud u qabsado waxa uu u baahan yahay, dawladda waxa waajib ku ah inay xalliyo caqabada caruurta ka haysta inay helaan wax u baddala laxaadkooda ay waayeen amma ay kuba soo dhasheen. Qoysaska, bulshada iyo dawladdu waa inay iska kaashadaan inay si gaar ah isha loogu hayo caruurta naafada ah.
Qodobka 24aad: Baahiyaha Aas-aasiga ah: Caruurtu waxa ay xaq u leeyihiin inay helaan caafimaad wananagsan, biyo nafiid ah, cunto nafaqo leh iyo deegaan bad qab leh oo ay ku noolaan karaan, waalidka waxa looga baahan yahay inuu ciyaalka wax uga sheego deegaanka iyo cuntada nafaqada leh ee ilmuhu u baahan yahay.
Qodobka 25aad: Qiimaynta Caruurta laga kexeeyo hoygooda: Ilme kasta oo laga keenay amma laga so baddalay hoy aan aan ahay kuu ku noolaa, waa in la hubiyaa daryeelkooda, caafimaadkooda iyo guud ahaan xaaladdooda guud, deegaanku caruurta saamayn taban iyo mid toganba wuu leeyahay saas awgeed waa in la hubiyaa meesha ilmaha la gaynayo ay tahay mid ka helayo dhammaan adeegyada uu u baahan yahay.
Qodobka 26aad: Kaalmaynta dhaqaale iyo bulsho: Dawladdu waa inay dammaanad qaadaa dhaqaalaha qoysaska danyarta ah si caruurtu aanay u noqon kuwo duruuftu wax yeellayso noloshooda. Bulshada, dawladda iyo haayadaha ku shaqada le caruurta waxa waajib ku ah inay taageeraan qoysaska danyarta ah.
Qodobka 27aad: Huga, Hoyga iyo Cuntada: Caruurtu waxa ay xaq u leeyihiin inay helaan cunto wanaagsan, dhar fiican oo dhaxamaha iyo kulaylka ka celiya, iyo hoy wananagsan oo ay ku noolaadaan. Dawladdu waa inay ka caawisaa qoysaska aan haysan baahiyan muhiimka.
Qodobka 28aad: Helitaanka Waxbrasho: Ilme kasta waxa uu xaq u leeyahay inuu helo waxbrashao. Ilme kasta waxa uu xaq u leeyahay inuu helo waxbrashada aas-aasiga ee hoose oo bilaash ah. Waxbrashada dugsiga sare waa inuu ilme kasta helo markuu wakhtigeeda gaadho. Caruurta waa in lagu dhiirri geliya inay waxbrashada ka gaadhan meesha ugu sarraysa. Masuuliyiinta dugsiyadu waa inay masuuliyad iska saaraan inay si wananagsan ilmaha wax u baraan oo aan la wax yeellayn.
Qodobka 29aad: U jeeddooyinka Waxbrashada: Waxbrashadu waa inay caruurta ka caawisaa inay inay kiro shakhsiyaddooda, garaadkooda iyo awoodoodahooda gaarka ah. Waxbrashadu waa inay ilmaha ka caawisaa inay gartaan oo ay fahmaan xuquuqdooda aas-aasiga ah iyo kala duwanaanshaha dhaqanka. Waxbrashadu waa inay ka cawisaa inay ku noolaadaan nolol xasilloon, iyo deegaan bedqaba.
Qodobka 30aad: Diinta, Dhaqanka, Afka iyo haybta yar: Caruurtu waxa ay xaq u leeyihiin inay adeegsadaan afkooda, dhaqankooda, iyo diintooda xitaa haddii bulshada ay la nool yihiin ka duwan yihiinย af, diin iyo dhaqan ahaanba. Ilmana laguma faquuqi karo arrimahan kor ku xusan. Dawladdu waa inay dabo gal ku samaysaa kiisaska la xidhiidha faquuqa. Dalka haddii ay kuย wada nool yihiin caruur kala duwan waa inay helaan xuquuq isku mid ah.
Qodobka 31aad: Dhaqanka, Madadaalada, Nasashada iyo Ciyaaraha: Ilme kasta waxa uu xaq u leeyahay inuu helo madadaalo, ciyaar, nasasho iyo waxybaaha caruurta u yeela fir-fircoonida. Sidoo kale ilmuhu waxa uu xaq u leeyahay inuu ka qayb qaato ciyaar dhaqameedyada bulshada uu la nool yahay. Madadaaladu waxa ay ka qayb qaatada habsami korriinka ilmaha.
Qodobka 32aad: Ka Ilaalinta Caruurta Shaqooyinka Waxyeellada leh: Caruurta waxa ay xaq u leeyihiin in laga ilaaliyo shaqooyin waxyeellada u keenaya waxbrashadooda, caafimaadkooda iyo bedqabkooda guud.ย Haddii ay caruurtu qabtaan shaqooyin fudud waa in lagu ilaaliyo inay y qabtaan si sahlan.
Qodobka 33aad: Ka Ilaalinta Caruurta daawooyinka iyo Mukhaadaraadka: Dawladdu waa inay caruurta ka ilaalisaa qaadista, samaynta iyo adeegsiga mukhaadaraadka. Waxa jira shakhsiyaad caruurta u adeegsada inay gudbiyaan mukhaaraadka. Sidoo kale waalidka iyo bulshadu waa inay iska kaashaadan inaan caruurta loo adeegsan waxyaabaha khatarta leh.
Qodobka 34aad: Ka ilaalinta Caruurta xad-guddubka galmada: dawladdu waa inay caruurta ka ilaalisa in loo gaysto xad-gudub galmo. Waalidka, bulshada iyo dawladdu waa inay iska kaashaadaan in caruurta lagu sameeyo xad-gudub galmo, la tuso muuqaallo, sawiro iyo wax kasta oo la xidhiidha galmo. Caruurta jidhkooda lama taaban karo iyadoo laga raadinayo dareen galmo. Caruurta waa in laga ilaaliyo muuqallada iyo sawirada anshax xumada ah.
Qodobka 36aad: ย Ka Ilaalinta Caruurta nooc kasta oo xad-gudub ah: Xad-gudubyada loo geysan karo maaha kuwo lasoo koobi karo, saaw awgeed ilme kasta waxa uu xaq uย leeyahay in laga ilaaliyo nooc kasta oo xad-gudub ah macaal haddi aanay heshiishkan ku jirin.
Qodobka 37aad: Caruurta la Xidho: Caruurta lagu soo eedayay inay jabiyeen sharciga, lama dili karo, lama xanuunjin karo, loolama dhaqmi karo si ka baxsan awooddisa, xabsi daaโin laguma xukumi karo, dad qaan gaadh ah isku meel laguma wada xidhi karo. Xidhitaanku mar kasta waa inuu ahaada goโaanka ugu dambeeya in caruur laga gaadhayo. Caruurta xabsiyada ku jirtaa wa inay helaan daryeel dheeraad ah, sidoo kale waa in waalidkoodu si joogta uga war haynaa uguna imaan karaan goobta ay ku xidhan yihiin.
Qodobka 38aad: Ka Ilaalinta dagaallada: Xilliyada dagaalka, caruurtu waxa ay xaq u leeyihiin in laga fogeeyo goobaha dagaallada. Ilme kasta oo ka yar 15 sano, looma adeegsan karo inuu ka qayb galo dagallada.
Qodobka 39aad: Kasoo kabashada waxyeellada: Ilme kaste oo la dhaawacay, la dayacay, dagaalku saamayn ku yeeshay wax ay xaq u leeyihiin inay heelaan adeegsayda aas-aasiga ee kasoo kabashada waxyeellada kasoo gaadhay nolosha. Dawladdu iyada ayaa masuul ka ah waxyeellooyinka waawayn ee caruurta soo gaadha.
Qodobka 40aad: Caruurta jebiya Sharciga: Caruurta lagu soo eedeeyo inay sharciga jebiyeen waxa ay xaq u leeyihiin inay helaan qareen sharci iyo si caddaalad loo eego kiisaskooda. Wa inay jiraan waddooyin badan oo arrinkooda lagu xallin karo, mar kasta jeelku waa inuu noqdaa xalka ugu dambeeya. Haddii la helayo goobaha dhaqan celinta, dawladda waxa waajib ku ah in aanay ilmaha xabsi gelin.
Qodobka 41aad: Xeerarka ugu wananagsan ee lagu dabbaqi karo: Haaddii xeerarka dalka u yaalla ay ka wananagsan yihiin xeerarka caalmiga waa in kuwaas loo adeegsado in caruurta lagu dabbaqo. Dal kasta waxa uu xaq u leeyahay inuu samaysto xeerarka ugu wananagsan ee lagu dabbaqi karo caruurta si ay nolol wananagsan ugu noolaadaan.
Qodobka 42aad: Qof kasta Waa Inuu Yaqaanno Xuquuqda Caruurta: dawladda, dugsiyada, bulshada iyo cid kasta oo danaysa arrimaha caruurta waxa waajib ku ah inay yaqaannaan xeerarka dalkooda iyo kuwa caalamigaย ee u dejisan caruurta, mar kasta oo uu qofku garanayo xeerarka caruurta, waa mar kasta oo la helo ilmo bedqaba.
F.G: qodobada 43aad ilaa 54aad waxa ay ka sheekeynayaa sida loo adeeegsanayo ee loo fulinayo xeerarka. Qodobaas waxa ay si gaar ah u khuseeyaan haadaya dawliga iyo kuwa aan dawliga ahayn ee ka shaqeeya arrimaha caruurta, waaxaa ay sheegaan sida wugu wanaagsan ee loo adeegsan karo xeerarkan caaliga ah.
Dalka oo adduunka ku yaalla waxa uu leeyahay xeerarkiisa gaarka ah ee khuseeya arrimaha caruurta iyo xuquuqdooda, saas awgeed adduunkuna maadaama uu kuย midaysan yahay qaramada midoobay waxa khasab noqotay in adduunku samaystaan heshiisyo iyo xeerar caalami ah oo bulshooyinku ku wada dhaqmaan, ka dib dagaalkii 2aad, dunidu waxa ay ku heshisay inay wada qabsadaan wixii ay ka midaysan yiihin, waana sababaha loo sameeyay haayado caalami ah oo aan xuduud lahayn si ay u fuliyaan danaha guud ee dalalka midoobay.
Dhanka caruurta waxa u xilsaaraan haayadda caaliga ee magaceedaย loo soo gaabiyo UNICEF oo ka shaqaysa arrimaha carurta siiba caafimakooda iyo waxbrashadooda, sidoo kale waxa jira haayado badan oo caruurta ka shaqeeya u shaqeeya si caalami ah oo ka mid yihin haayadda Ingiiriiska laga leeyahay ee SAVE THE CHILDREN.
Ugu dambayn, qof kasta waxa waajib ku ah inuu ilaaliyo xuquuqda guud, gaar ahaanna xuquuqda caruurta oo iyagu ah kuwan noolaayaasha ugu nugul, xuquuqa carurtu leeyihiin maaha mid u sugnaaday cid gaar ah, dhaqan iyo diin gaar ah, see xuquuq uu siiyay Eabbaha wayn ee inna wada uumay, xeerarkan laguma tilmamao karo in laga leeyahay dano gaar ah. Waa xeerar ay saxiixeen dhamman waddama ku jira qaramada midoobay.
WQ: Mukhtaar Axmed Nuur
Eamila: biixi223@gmail.com