Madaxweyne Muuse Biixi wuxu maanta soo xidhay kulankii wada-tashiga Golaha Wasiirrada

26/12/2017

War-saxaafadeed

Waxaa maanta oo taariikhdu  tahay 26-ka Diisembar, 2017  la soo gabagabeeyey  kulankii  wada-tashiga Golaha wasiirada uga socday Hotel Royal Palace ee Hargeysa.

Kulankan wada-tashiga ah waxaa looga gol lahaa sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta wasaaradaha iyo dardaragalinta hawlaha qaran ee horyaalla xukuumadda cusub, waxaana goob joog ka ahaa muddadii uu socday kulankani Madaxwayne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland,  Mudane, Cabdiraxmaan Cabdillahi Ismaaciil Saylici.

Wada-tashigan oo socday muddo 4 maalmood ah soona bilaabmay 23-kii December 2017,  waxay xubnaha wasiiiradu yeesheen doodo is daba jooga iyo falaqayn ku saabsan sidii ay u gudan lahaayeen waajibaadkooda shaqo, iyagoo ka duulaya barnaamijka qorshaha horumarinta qaranka ee labaad (NDPII) iyo barnaamij siyaasadeedka xisbiga Kulmiye ee uu ku galay ololihii doorashada Madaxtooyada, si loo fuliyo ballan qaadyadii xisbiga.

Waxaana soo xidhay kulankan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somailand, Mudane, Muuse Biixi Cabdi  waxaa ka soo baxay qodobadan hoos ku xusan:-

  1. In xubnaha golaha wasiiradu ay si wada jira u shaqeeyaan, iskana kaashadaan hawlaha qaranka ee horyaalla.
  2. In qorshaha xukuumadda lagu saleeyo barnaamijka xisbiga Kulmiye iyo qorshaha horumarinta qaranka ee labaad (NDPII).
  3. In la xoojiyo siyaasadda arrimaha dibadda, lana kordhiyo dadaalka loogu jiro ictiraaf raadinta.
  4. In la xoojiyo  amniga  gudaha, si buuxdana loo sugo  xuduudaha dalka.
  5. In la dhiiri-galiyo lana fududeeyo maal-gashiga, si loo abuuro fursado shaqo.
  6. In la kordhiyo dakhliga , dib u habaynna lagu sameeyo Maamulka Maaliyadda.
  7. In la sameeyo guddi farsamo oo ka soo talo bixisa xal u helidda Sicir-bararka.
  8. in kor loo qaado wax-soosaarka dalka, bulshadana lagu dhiiri galiyo inay tabcadaan.
  9. In kor loo qaado adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada Somaliland loo fidinayo
  10. In dhidibada loo aaso nidaamka maamul-wanaaga, laguna dhaqmo daah furnaan iyo caddaalad.
  11. In la dajiyo qorshe qaran oo ku wajahan ka hortaga iyo wax ka qabashada
  12. In dadaal dheeraada lagu bixiyo sidii loo tayayn lahaa shaqaalaha dawladda
  13. In hindisaha wax-qabadka madaxweynaha ee boqol iyo labaatanka cisho(120) ee u horeeya xukuumadda la fuliyo, wasaarad walbana ay qaybta kaga soo hagaagaysa fuliso.

ALLAA MAHAD LEH

Naasir Yuusuf Daahir

Agaasimaha Saxaafadda Madaxtooyada JSL.