Madaxweyne Biixi wuxu magacaabay Guddida qAgaasinka iyo Qaban-qaabadda Xuska 18 May

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu Maanta wareegto madaxweyne oo sumadeedu tahayJSL/XM/G/083-076/042018ย kuย Magacaabay Guddida Agaasinka iyo Qaban-qaabadda Xuska 18 May.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu sidan:-

Ku: Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland

Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Ku: Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga

Ku: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka

Ku: Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska

Ku: Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha

Ku: Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska

Ku: Duqa Caasimadda Hargeysa

Ujeeddo:ย ย ย ย ย ย ย ย Magacaabid Guddida Agaasinka iyo Qaban-qaabadda Xuska 18 May.

Waxa foodda innagu soo haya Xuska Sannad Guuradda 27aad ee Maalinta Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May, taas oo inooga baahan qorshe iyo u diyaar-garow, maadaama Bulshada Somaliland meel kasta oo ay joogaan, ay u dabaal-degayaan Xuska 18 May, isla markaana dareenka qarannimadooda u soo bandhigaan Beesha Caalamka.

Sidaa darteed, waxaan masโ€™uuliyiinta qoraalkani sida tooska ah ugu socdo u magacaabay Guddida Heer Qaran ee Agaasinka iyo Qaban-qaabadda Xuska Sannad-guuradda 27aad ee Maalinta Qarannimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May.

Haddaba, waxaan Guddida Qaban-qaabadda ka rajaynayaa inay xil weyn iska saari doonnaan Xuska Maalinta 18 May. Sidoo kale, Maamullada Gobollada iyo Degmooyinka waxaan farayaa inay Guddida gacan buuxda ku siiyaan gudashada hawshan.

bandhige@gmail.com