Jabuuti waxay ka joojisay ciidamada Maraykanka ee joogo waddankooda in ay carbis ku sameeyaan hawada dalkooda

U.S. Air Force Gen. Tod Wolters, commander of U.S. Air Forces in Europe and Air Forces Africa, greets members of the 510th Expeditionary Fighter Squadron at Camp Lemonnier, Djibouti, Feb. 1, 2017. Wolters visited with U.S. Air Force members in Djibouti to gain insight into their integrated missions, and the multiple roles of Airmen in the joint environment. The members assembled nearby their assigned aircraft, an F-16 Fighting Falcon from Aviano Air Base, Italy.

 

Djibouti ayaa ciidamada Maraykanka ee dalkeeda jooga ka joojisay hawlgalada hawada ee ay ciidamadoodu ku sameeyaan diyaaradaha, ka dib markii ay dhawr shil oo diyaaradeed dhaceen.

Laba diyaaradood oo ah kuwa milatariga ee uu Maraykanku leeyahay ayaa toddobaadkii la soo dhaafay dhacay, kuwaas oo mid ka mid ahi ay ku burburtay madaarka caalamiga ah ee Djibouti. “Ciidamada Maraykanka ee hawlgalada u jooga Djibouti waa la hakiyay hawlgaladoodii, waana laga joojiyay carbiskii ay samayn jireen ka dib markii ay shilal kala duwani ka dhaceen hawada Djibouti.” Sidaas waxa yidhi taliska ciidmada Maraykanka ee dhexe.

Dawladda Djibouti ayaa u dirtay dawladda Maraykanka taar diblomaasiyadeed oo ay ku wargelinayso inay joojiyaan hawlgalada hawada Djibouti, ka dib shilalkaas dhacay, talaabadaas ayay Maraykanku sheegeen inay fuliyeen.

Salaasadii ayay mid ka mid ah diyaaradahani ku burburtay madaarka Djibouti ee caalamiga ah. Laakiin duuliyihii ayaa ka badbaaday diyaaradda waxaana laga daweeyay dhaawacyo fudud. Isla maalintaas gelinkii dambe diyaarad kale oo milatari oo ah Helicopter ayaa iyana ay dhaawacyo gaadheen iyadoo ku degaysa madaarka Carta mana jiraan wax dhaawacyo ah oo gaadhay duuliyayaashii diyaaradda.

Xigasho: Geeska Afrika.

bandhige@gmail.com