Madaxweyne Farmaajo wuxu kulan ka dalbaday Guddoomiye Faysal Cali Waraabe

Warbaahinta UCID

Madaxweynaha Somalia Mudane Maxamed C.laahi Farmaajo ayaa la sheegay in uu Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ka dalbaday in ay yeeshaan kulan .

Qaar ka mid ah Idaacadaha xaruntoodu tahay magaalada Muqdisho ayaa baahiyay warkan ku saabsan Kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Gudoomiye Faysal Cali Waraabe .

Madaxweynaha Somalia ayaa ku sugan Dalka Biljamka, halkaasi oo u joogo shir ku saabsan Somalia oo halkaasi ka socday, Halka Gudoomiye Faysal Cali Waraabe uu isna hawlo shaqo u joogo isla dalkaasi Biljamka.