Kulan ballaadhan Oo lagu Falanqaynayo Caqabadaha iyo Fursadaha horyaalla Doorashada mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland Ee Soo socota Ayaa lagu Qabtay Hotelka Ambassador Ee Hargeysa,munaasibaddii Kulankaasi oo si Ballaadhan looga soo shaqeeyey Abaabulkeeda Waxaa Furay Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi.
Balse ka hor intii aanu Maaxweynuhu shirkaasi sida Rasmiga ah u furin waxaa halkaa ka hadlay masuuliyiin kaladuwan oo ka kala socday Dalladda isutagga Urururada Aan Dawliga ahayn Ee SONSAF Xafiisyadeeda Hargeysa Mustafe Sacd Dhimbiil,Madaxa Xafiiska Hay’adda Safer world Cabdi Jaliil Daahir,Ms Anne Kobaek madaxa Xafiiska Hay’adda Danida Ee Hargeysa,Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka aan dhicin Ee Faysal Cali Xuseen, Gudoomiyaha Xisbiga Waddani iyo Gudoomiyaha Guddihoosaadka arrimaha Gudaha ee Golaa Wakiillada Xildhibaan Ibraahim Rayte,Saraakiisha Ururada Bulshada qaybaheeda kaladuwan ka socotay iyo Wakaalada wararka fidiya.
Fururaankii shirkaasi waxaa ka hadlay Agaasimaha Dalladda SONSAF Maxamed Axmed Maxamuud (Barawaani” waxaanu ka warabixiyey ujeedada kulanki daaranyahay waxaanu Sheegay inay ka Dallad ahaan u qabteen shirkani ina qaybaha kaladuwani ku falanqeeyaan 2 cisho ee soo socota wixii laga yeelilahaa Doorashada Mudanayaasha Golaha Wakiillada ee sanadka soo socda bishan bisheeda lagu wado in la soo doorto ” Mudanayaal iyo Marwooyin dhamaantiin waan idin soo dhawaynayaa waxaanu shirkeenu daaranyahay 2 cisho ee maanta iyo Berrito inaynu halkan kaga doodno Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland” ayuu yidhi Barawaani.
Gudoomiyaha Dalladda SONSAF Mustafe Sacad Dhimbiil Oo halkaa ka hadllay waxay uu sheegay inuu shirkani yahay kulan hawleed lagu falanqaynayo Doorashada soo socota sanad kadib isagoo arrimahaa ka hadlayeyna waaa hadalladiisii kamid ahaa “maanta kulan hawleedkeenu waxa uu daaran yahay inaan muddo laba cisho ah kaga hadallo Doorashada Wakiillada oo ay ku ladhantahay tii Golaha Deegaanka sanadkan soo socda iyo caqabadaha ku xeeran sidii looga doodilahaa” ayuu yidhi Gudoomiyaha SONSAF Mr Dhimbiil.
“Maanta Hawlaha loo baahan yahay inaynu qabano hadday Xeertahay iyo Hadday iyo hadday shaqo tahayba inayna maanta halkan ku falanqayno iyo inaynu ka sii shaqayno intaanay hoosta innaga soo galin doorashadaasi waa lagama maarmaan taasaanaynuna meenta meeshan u fadhinaa” ayuu yidhi Dhimbiil.
Mr Dhibmiil waxa uu sheegay inay Dimoqoraadiyadda Somaliland soo martay geeddi socod dheer waxaanu tilmaamay Mudanayaashan hadda kuraasta ku fadhiya xeerkii lagu soo doortay inaanu ahayn mid joogto ahaa balse uu ahaa mid hal mar oo kaliya ahaa “one time use” isagoo arrimahaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi “runtii Doorashadan aynu maanta ka hadlidoonaa waa mid ay caqabado farabadani ku xeeranyihiin oo muddaba 2 laba jeer baa dib loo dhigay” ayuu yidhii waxaanu intaa sii raaciyey “Baarlamaankeennan maanta Kuraasta waxay ku fadhiyaan muddo 13 sano ah waayo waxaa la soo doortay sanadkii 2015 tii” ayuu yidhi Sacad.
Waxaa iyana halkaa ka hadashay Ms Anna Kobaek Oo ka socotay hay’adda Qaadhaanka bixisa ee dalka Denmark Ee Danida Waxaanay ka warantay dareenkeeda ku xidhiidha shirkan ballaadhan ee Doorashada soo socota ee Wakiillada Somaliland lagu falanqaynayo waxaanay sheegtay inay soo dhaweynayso kulanka doodda shirkan iyo sida looga soo qaybgalayba gaar ahaan waxay carabka ku dhufatay muuqaalka faraha badan ee Dumarkii madasha shirkaasi ka soo xaadiray.
Sidoo kalena waxay xustay in ay Doorashadaasi ka qaybgalaan dada Naafada ah iyo kuwa laga tirada badanyahay iyo Haweenka intuba “Doorashooyinka soo socda ee Wakiillada lagu soo dooranayo waxaan jeclaan lahaa in lagu soo daro dadka Naafada ah,Beelaha laga tirada badan yahay iyo Haweenka” ayey tidhi Ms Anna Kobaek
Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe Oo halkaa ka hadlay waxa uu sheegay inay Somaliland magac fiican ku heshay doorashooyinkiihorey loo soo maray balse ay Somaliland dib u cuntay sumcaddiihore waa sida uu hadalka u dhigay e maadaama ay Somaliland caadaysatay inay markasta oo ay doorashadu soo dhawaataba dib loo dhigo doorashadaasi.
Mr Waraabe waxa uu soo jeediyey inay bulshadu caqligooda ka shaqeeyaan oo ay sanadkan soo socda soo xushaan dad wanaagsan oo Iimaan qaba “walaalayaal waxaan soo jeedinayaa inshaa Allaahu tacaalaa inaynu sanadkan soo socda doorashada inoo qabsoomidoonta ku soo dooranno dad Iimaan qaba oo ilaahay ka baqaya” ayuu yidhi Mr Waraabe.
Dhanka kalana Gudoomiyaha Ucid Waxa uu aad u dhaliilay Mudanayaasha Baarlamaanka labadiisa qaybood ee Guurtida iyo Wakiilladuba inay kuraasta ku fadhiyaan nidaam sharidarro ah maadaama ay Guurtiduna iyaga uuni is caleemo saaraan isla markaana ay dhaxaltooyo ka dhigeen Kuraastii laga dhintay Kuwan Wakiilladuna ay muddo dhaafeen iyagoo haddana aan ogoleyn inay kuraasta baneeyaan oo ay wali u sii hanqal taagayaan sidii wakhtiga loogu kordhin-lahaa “walaalayaal maanta waxaad ogtihiin inay bulshada caalamku markaad Baarlamaankeena uga sheekayso siday ku fadhiyaan laga yaq-yaqsoonayo aduunyada laguma aragg meel ay ka shaqeeyaan Baarlamaan iska fadhiya uun kuraasta” Erayadaa markuu Mr Faysal ku dhawaaqay waxaa hadal dareen leh kaga hooskacay Mudanayaal Wakiillada ka socay oo Raxan ahaa sida Cabdullaahi Xuseen Cige ” Black” oo laga soo doortay Gebilay, Axmed Ducaale Bulaale oo laga soo doortay Caynaba iyo Maxamed Xaaji Xuseen ” Waabeeye” Oo laga soo doortay Oodweyne iyo Maxamed Cali Xirsi Oo laga soo doortay Bariga Burco
“Gudoomiye tirada ku darso inaan isagana la ogoleyn Musharrax meesha waligiiba iska fadhiya” earyadaasi waxay ka cadhasyiiyeen Gudoomiyaha Xisbiga UCID waxaanu ugu jawaaabay sidan “Balday waxaasi waa waxaan sheegayey” eraydaasi mayrkay madasha hadheeyeen waxaa dhashay buuq iyo sawaxan ay kicinayeen qaarkamida Mudanayaashii Wakiillada siiba Md Black iyo Waabeeye oo si weyn uga cadhooday Xubno door ahaa oo ka mid ahaa saraakiisha Xisbiga Ucid oo iyana ka cadhooday carqaladda ay mudanaashu ku sameeyeen khudbaddii Gudoomiyahooda gaar ahaan Waxaa si kulul uga hadlay Mr Cabdiqani Ibraahim Salaf “Kaptan-ka”
Waxaanu carrabka ku adkeeyey erayo uu kula duldhacay Mudane Maxamed Xaaji Xuseen Waabeeye kuwaasoo aanaaan hadda halkan ku soo bandhigi karayn annaga oo ilaalilanyna anshaxa saxaafadda iyo dhaqanka suuban ee aynu leeyahay.”iska daaya waxba hala hadlinee waayo aniga la iima hiiliyee hayska hadleene” sidaa waxaa yidhi Gudoomiyaha Xisiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo isaga qudhiisa ay shucuurtiisa kiciyeen erayadii mudanayaasha ka so yeedhay
qaybtiihore ee shirkaasi oo intaa lagu soo xidhay waxaa laysugu soo laabtay markii Kafeyga laysu soo cabbay waxaana halkaa ka hadlay Xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale waxaanu ka soo qaybgalayaashii shirkaasi xasuusiyey inaanay doodda shirku noqonin mid diiradda lagu saarayo inay mudanayaasha Wakiilladu doonayaan inay kuraasta doonayaan inay ku sii nagaadaan balse aanay arrintu sidaa ahayn oo ay diyaar u yihiin inay kuraasta baneeyaan haddii la soo xulo cidii iyaga badali lahayd “Dooddu yaanay inaga noqonin mid lagu eegayo inay mudanayaasha wakiilladu doonayaan inay kuraasta sii fadhiyaan arrintuna sidaa maaha ee waxaanu diyaar u nahay inaanay kuraasta u banayno ciddii loo soo doorto ee na badali lahayd” ayuu yidhi Md Ducaale.
Waxaa isna halkaa warbixin dheer oo ka hadlaysay macluumaad ay Guddihoosaadka arrimaha Gudaha ee doorashoooyinka u xilsaarani ka soo uruuriyeen Goballada dalka waxaanay warbixintaasi sheegaysay tirada Golahaya wakiilladu sida ay 82 ku nqodeen iyo fikradihii kaladuwanaa ee ay ka soo uruuriyeen bulshada ku nool Goballada Somaliland “maanta halkan waxaan idiinku soo bandhigayaa warbixintii aanu ka soo uruurinaya Goballada dalka ee qofwalowba si fiican u dhagayso waliba qalin iyo Buugg soo qaata oo qorta tirada warbixinta aan idiin soo sheegidoono” sidaa waxaa yidhi Xildhibaan Cabdullaahi Xuseen Cige “Black”
bandhige@gmail.com