Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta ka qayb-galay munaasibad lagu shaacinayey dib u furista diwaangelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ka qayb-galay munaasibad ballaadhan oo lagu shaacinayey dib u furista diwaangelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka Jmahuuriyadda Somaliland.

Xafladda waxa kasoo qayb galay Guddoomiyaha gudida doorashooyinka, Masuuliyiinta saddexda Xisbi qaran Safiirka midawga Yurub urarada bulshada iyo madax kale.

Cabdirashiid Riyo-raac guddoomiyaha gudida doorashooyinka qaranka ayaa ugu horayn halkaa ka hadlay waxanu sheegay in diiwaan gelinta xilligeedii la bilaabi doono, Waxaanu xusay in Diiwaangelintan ay ka faaโ€™iidaysan doonaan dadkii aan hore u qaadan Kaadhka Codbixinta.

Waxa uu Gudoomiyaha Guddida doorashooyinku intaas ku daray inay Jadwal Mudaysan u sameeyeen diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo bilaabmi doonta 29 Bishan.

Madaxweyne ku xigeenka JSL md Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici ayaa guddida doorashooyinka ku bogaadiyay furitaanka diwaan gelinta codbixiyeyaasha oo muhiimad balaadhan u leh Shacabka Somaliland Waxa uu Madaxweyne ku xigeenku ku booriyey Guud ahaan Shacabka Somaliland inay qaataan Kaadhka Codbixinta si ay ugu codeeyaan Doorashooyinka inagu soo Foolka leh.