Madaxweyne-ku-xigeenka JSL Oo Daah-furay Mashruuc Lagu Ballaadhinayo Madbacadda Qaranka

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta dhagax-dhigay dhismeyaal casri ah oo lagu kordhinayo xarunta madbacadda qaranka ee caasimadda Hargeysa.

Munaasibadda lagu dhagax-dhigayo dhismeyaasha cusub ee lagu kordhinayo xarunta guud ee madbacadda qaranka Hargeysa, ayaa waxa madaxweyne-ku-xigeenka kala qaybgalay qaar kamid ah maareeyayaasha hay’adaha madaxa Bannaan, guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex, maayarka caasimadda, maareeyaha madbacadda qaranka, Mudane Maxamuud Raage Ibraahim, shaqaalaha madbacadda qaranka, madax-dhaqameed iyo marti-sharaf kale, waxana madasha laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayo horumarka madbacadda iyo ahmiyadda gaar ahaaneed ee ay xukuumaddu siinayso.
Ugu horrayn xubno isugu jira maareeyayaal hay’ado madax bannaan iyo saraakiil sarsare oo madasha ku sugnaa oo halkaas ka hadlay, ayaa bogaadiyey horumarka ay madbacaddu ku tallaabsatay iyo ahmiyadda ay xukuumaddu siinayso sidii maalgelin iyo horumarin loo siin lahaa madbacadda qaranka.

Maareeyaha madbacadda qaranka, Mudane Maxamuud Raage Ibraahim oo isaguna madasha dhagax-dhigga ka hadlay, ayaa ku dheeraaday horumarka ay madbacaddu samaysay iyo hiigsiga heer qaran gaadhsiisan ee la doonayo in ay noqoto madbacad daboosha dhammaanba baahiyaha ka jira Somaliland, islamarkaana lagu daabaco nooc kasta oo daabacaad ah.

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, ayaa dhagax-dhigga ka hor hoosta ka xarriiqay inay xukuumadda ka go’an tahay ballaadhinta iyo casriyeynta badbacaddu, isaga oo caddeeyey inay xukuumaddu u hagar baxday madbacadda qaranka.
Ugu dambayntii waxa uu madaxweyne-ku-xigeenku dhagax-dhigay dhisme laba dabaq ah oo si casri ah loo dhisi doono oo ay yeelan doono madbacadda qaranku, waxana uu dhismahaas wax weyn ka tari doonaa baahiyihii xagga xafiisyada ahayd ee ay madbacaddu qabtay.
Image may contain: 7 people, people smiling, outdoorImage may contain: 9 people, people smiling, people standingNo photo description available.Image may contain: 3 people, people standing, suit and outdoorImage may contain: 5 people, people smiling, suitImage may contain: 15 people, wedding and outdoorImage may contain: 6 people, people standing, suit and weddingImage may contain: 5 people, people sitting and suitImage may contain: 1 person, standing and suitImage may contain: 1 person, eyeglasses, beard and indoorImage may contain: 1 person, suit and eyeglassesImage may contain: 3 people, beardBandhige@gmail.com