Dawlad-Deegaanka Soomaalidu Ma noqon doonaa Xuddunta Soomaalida Geeska? Q.2aad (WQ: Yuusuf Garas)

4. Soomaalida Deegaanka iyo Soomaalida kale

Sida aynnu hore u soo xusnay, deegaankan Soomaalida ee Itoobiya waxa uu hadda rejo fiican u yahay in la arkaayo in shantii Soomaliyeed ay u arkaan meel ay wada leeyihiin, waana rejo aad u soo bidhaamaysa in ay tahay xuddunta shanta Soomaaliyeed; kuwo madaxbannaan iyo kuwa aan madaxbannaanaynba. Ma aha jid dhib yar oo sidaas loo wada shaahaynayo lagu gaadhi karo. Aragti kasta oo dunida jirtaa waxa ay leedahay cid u cadow ah, waddan kasta iyo ummad kastaana waxa ay leedahay nasteex iyo cadow; tanina sidaas ayay ugu sii cadaawe badan tahay, marka laga yimaaddo dhexdooda. Aragtidayda gaaban, waxa aan is leeyahay haddii arrimahan loo dhugyeesho, waa ay badbaadi doontaa arrintan curadda ahi:

1. Soomaalida kale sida Jabbuuti, Soomaalilaand, Soomaaliya iyo NFD, haddii ay kala gartaan dabciga siyasadeed ee Itoobiya, si fudud oo sahlan baa labada dhinac isula jaanqaadi karaan. Sida dhaqankeenna ah, haddiiba ay dhacdo in la kala garan waayo dhanka siyaasadeed ee Jabbuuti, Soomaalilaand, Soomaaliya iyo Gaarisa, waxa dhici doonta in lafjab weyni soo gaadhi doono horusocodka siyaasadeed ee DDS maanta cagta saartay iyo riyada mar labaad rejadeedii soo muuqatay ee ah in la helo masale maanta Soomaalida ku kala irdhowday siyaasadda intii ka dambaysay xorriyadihii la qaatay: 26kii Juun iyo 1dii Juulaay 1960 iyo 27kii Juun 1977. Gaar ahaan, waxa la sii kala dhaqaajiyay oo jilib-jilib, jees-jees iyo wax ka hooseeya ba la gaadhay wixii ka dambeeyay 1991.

2. Qoomiyadda Soomaalidu waxa ay si farshaxannimo leh u taqaannaa ganacsiga, waxaana si gaar ah loo xusi karaa awoodda ganacsi ee muuqata ee ay ku yeesheen dalka Kiiniya.

3. Siyaasadaha ka socda Muqdisho iyo Kiiniya ee ku saabsan ka dhex muuqashada isbeddalka siyaasadeed ee Dawlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, haddii uu noqdo mid aan caqli iyo xigmad lagu maamulin, oo caaddifaddu noqoto ta wax hagta, waxa ay DDS dhaxalsiin doontaa dhibaato siyaasadeed oo aanay ka soo kaban muddo dheer, isla markaana waxa ay noqon doontaa in rejadii Soomaalinnimo ee shanta ahayd meesha ka bixi doonto, sababta oo ah Dawladda dhexe ee Itoobiya kama madhna in ay fiiro gaar ah ku eegayso in aanay dhicin siyaasado kale oo jaarka ahi in ay si fudud ugu soo dhex milmaan deegaankan iyo kuwa kaleba. DDS waxa uu kaga duwan yahay deegaannada kale ee Itoobiya, in ay xuduudda ugu dheer ee Itoobiya la wadaagto Soomaaliya, Soomaalilaand iyo Jabuuti.

Itoobiya, dawladda dhexe waxa ay maanta ku mashquulsan tahay in ay dejiso qulqulatooyinka iyo kacdoonnada ka jira gudaheeda; abuurista in nidaamkan cusubi kasbado quluubta iyo kalsoonida qaar ka mid ah deegaannada dalka iyo hubinta in uu meesha ka baxay nidaamkii hore intiisa aan la rabin ee dhexda kaga maran weli deegaannada qaar kood. Indho badan sidaas looguma hayo deegaanka Soomaalida, sababta oo ah, qooyimadda hadda talada dalka haysaa waxa ay og yihiin in aanay jirin siyaasad colaadeed oo xagjir ah oo u dhexaysa Soomaalida iyo qoomiyadda Oromada. Runtii way jirtaa in dhibaatooyin dhex mareen oo haddeerna wax sii dhex yaallaan labada qoomiyadeed, hase yeeshee dhibahaasi ma aha kuwo sidaas u sii gaamuray ama ay ku jiraan gacmo kale oo aan rabin wanaagga iyo horumarka dalka Itoobiya. Soomaalida deegaankan ayay dadka qaar debcigeeda ku sifeeyaan mid muddooyinkii danbe Itoobiya la jaanqaaday oo hayin dabacsan u noqda hadba qoomiyadda talada timaadda. Nasiibdarro deegaanka Soomaalidu kama faa’iidaysan oo wax la taaban karo horumar ah kama dhaxlin hayinnimadii 27kii sanno ee EPRDF dalka maamulaysay, muddadaas oo ay labada qoomiyadood – Soomaali iyo Tikree – gacansaar dhow lahaayeen.

Su’aashu waxa ay tahay maanta Deegaanka Soomaalidu ma noqon doonaa mid wax ka bartay casharradii hore ee ahaa hayin bilaa dhaxal ah in ay noqdaan kuwa ku gorgortami kara oo garabsaarkooda loo baahan yahay. Qoomiyadda oramiya ee maanta talada haysaa, si bila shaki ah waxa ay qirsan yihiin in qoomiyadda Soomaalidu ay tahay kuwa la aamini karo, oo la isku halleyn karo, danna u ah marka ay timaaddo isgarabsashada siyaasadeed. Weyddiinta kale waxa ay tahay, ma jirtaa Deegaanka Soomaalida xukuumad iyo aqoonyahan ba, wax uga meel yaalla iyo nidaam ay la hortagi karaan marka ay timaaddo xulafaysigan. Waa middi laba af leh, waayo, in aad cid garabka saartaa waa; gari laba nin kama wada qosliso. Isku soo xoori oo, waxa la saaran yahay doonidii jacaylka ee heestii Maxamed Mooge qaadi jiray ku jirtay. Waxa intaas dheer, duufaannada iyo dabaylaha badaha siyaasadeed ee gudaha Itoobiya waxa ay marayaan xilli xagaa’ ah, gaar ahaan, waqtiyada ay dhacdo dabaysha loo yaqaanno “Shimaal”. Waxa lagu khasban yahay in doontani shiraacato iyada oo xaaladda badduna sidan tahay. Sababta oo ah, isbeddalka dhacay waa in uu u dhaqaaqaa jihadii la rabay, dabayshii shimaalkuna way dhacaysaa, xaaladda siyasadeed gudaha Itoobiyana halkaas ayay maraysaa.

DHAMAAD

W/Q. Yuusuf Garas

Addis Ababa/Jigjiga, Itoobiya.