Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ka qeyb galay ย Xaflada qalin jebinta Dufcadii 8aad ee ka baxda Jaamacada Abaarso, ย ardaydaas oo tiradoodu ku dhawayd 200, kuwaasi oo dhammaantood ย dhamaystay Kulliyadaha kala duwan Jaamacada.
Madaxweyne ku xigeenka oo halkaas ka hadlay ayaa ugu horayn Hambalyo iyo Duco u diray Dhammaan ba ย Ardayda ka qalin jabisay Jaamacada sidoo kalena wuxuu ย maamulka, macalimiinta Waalidiintii Ardayga ugu mahadnaqay dedaalkii ay geliyeen, Madaxweyne ku xigeenka ayaa ardayda kula dardaarmay inay inay juhdiga sii wadaan qarankoodana u shaqeeyaan.
Ugu Danbayntiina Madaxweyne ku xigeenka ayaa Shahaadooyin Gudoonsiiyey Ardaydii qalin jebisay, kuwaasi oo dhammaantoodba dhamaystay Kuliyadaha kala duwan ee ka kooban tahay Jaamacadu, ย ardaydaasi oo ย qaadatay Shahaadooyinka heerka koobaad iyo heerka labaad ee Master iyo Degree.