Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Qasriga Madaxtooyada Casho Sharaf Ugu Sameeyey Wafti Ka Socday Waddanka Taiwan
Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan ย Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ย ayaa Casho sharaf u sameeyay ย Wafti ka socda Hayโadda iskaashiga horumarka caalamiga ah ee Waddanka Taiwan oo lagu ย magacaabo International Cooperation Development Fund (ICDF) Waftigan oo muddo toddobaad ah kusugnaa dalka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa waxa uu qayb ka yahay iskaashiga labada dal ee Jamhuuriyada Somaliland iyo Dawladda Taiwan ee dhinacyada Beeraha, Caafimaadka iyo Horumarinta dhanka Tijnoolajiga.
Kulankan oo ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Beeraha Axmed Muumun Seed, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibada Liibaan Yuusuf Gaaxnuug, Gudoomiyaha Hayโadda u diyaargarowga aafooyinka iyo kaydka raashinka Faysal Cali Sheekh.