Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Oo Farxadda Kala Qayb-galay 606 Arday Oo Ka Qalin-jebiyey Jaamacadda ADMAS University

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta ka qayb-galay munaasibad ay ku qalin-jebiyeen 606 (Lixi Boqol iyo Lix) arday oo ka qalinbiyey jaamacadda Admas University faraceeda magaalada Hargeysa.

Munaasibadda Qalinjebinta oo lagu qabtay Hutel Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa lagu fooladeeyey Dufcaddii 11-aad ee ka qalinjebisa jaamacadda Admas, waxana munaasibadda laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayo ardayda qalinjebisay, laguna dhiirrigelinayo inay cilmiga ay barteen uga faa’iideeyaan bulshadooda, iyada oo madaxweyne-ku-xigeenka ay ku wehelinayeen xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, saraakiil ka socday axsaabta mucaaridka, maamulka jaamacadda, Ardayda Qalinjebisay, waalidii iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan.

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo munaasibadda hadal kooban ka jeediyey, ayaa bogaadiyey ardayda qalinjebisay, waxana uu kula dardaarmay inay barashada cilmiga sii wadaan, kuna dedaalaan sidii ay bulshadooda ugu noqon lahaayeen haldoorro lagu hirto oo la higsado.
Ugu danbayntiina Madaxweyne ku xigeenku waxa uu shahaado sharafyo gudoonsiiyey ardaydii sannadkan ugu saraysa jaamacada iyo haldoorka ay jaamacadu sannad walba ku sharafto waxqabadka iyo horumarka ay ka sameeyeen ama ku soo kordhiyeen dalka.Image may contain: 17 people, people smiling, people sittingImage may contain: 2 people, people standing, suit, hat and eyeglassesImage may contain: 16 people, people smiling, people sitting

Image may contain: 17 people, crowdImage may contain: 15 people, people sittingImage may contain: 11 people, people smiling, people sittingImage may contain: 6 people, people sitting and suitImage may contain: 6 people, people standing, suit, hat and eyeglassesImage may contain: 13 people, people standing, crowd, eyeglasses and hatImage may contain: 13 people, people sittingImage may contain: 6 people, people standing, hat and suitImage may contain: 9 people, people standing, suit and outdoorImage may contain: 10 people, people sitting and tableImage may contain: 7 people, people smiling, people sitting and hatImage may contain: 7 people, suit