Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Oo Ka Qayb-galay Xafladda Qalin-jebinta Jaamacadda Culuumta Badda Ee Berbera

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka qayb galay xafladda qalin-jebinta jaamacadda culuumta badda ee Berbera oo ay ka qalin-jebiyeen arday dhan 30 arday.

Gudoomiyaha jaamacadda culuumta badda Berbera oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in jaamacadani tahay jaamacadda kaliya ee geeska afrika lagu barto culuumta badda, islamarkaan ay muhiimad weyn u leedahay guud ahaan Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Dr.Sacad Cali Shire oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ardayda ku booriyay inay bulshada reer Somaliland wax kusoo kordhiyaan islamarkaana ay indhaha bulshada usoo jeediyaan kalluumaysiga iyo khayrtaadka badda.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo xafladaasi soo gabo-gabeeyay ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland dadaal dheer gelin doonto sidii loo taageeri lahaa jaamacadani waxaana kamid ahaa hadaladii Madaxweyne ku-xigeenka “Waxaan si weyn u hambalyaynayaa ardayda maanta ka qalin-jebisay jaamacadda culuumta badda ee berbera, runtii jaamacadani qiimo weyn ayay u leedahay qaranka, annaguna insha Allaahu doorka aanu ku leenahay ayaanu ka qaadan doonaa sidii loosii kobcin lahaa jaamacadani”ayuu yidhi M/ku-xigeenka Somaliland.