Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Ka Qeybgalay Qalin Jabinta Dufcadii 9aad Ee Jaamacada Eelo Ee Boorama

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Ka Qeybgalay Qalin Jabinta Dufcadii 9aad Ee Jaamacada Eelo Ee Boorama.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta Magaalada Boorama kaga qeybgalay Xaflada qalinjabinta Dufcadii 9aad oo ka kooban 305 arday kuwaasi oo ka qalanjabiyey Jaamacada Eelo ee Boorama, munaasibadan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirada Wasaaradaha Ganacsiga, Caafimaadka iyo Wasiir ku xigeenka Waxbarashada iyo Sayniska.

Xafladan oo laga jeediyey khudbado kala duwan ayaa lagaga hadlay hambalyada iyo dhiiri gelinta ardayda qalinjabisay sidoo kale loogu duceeyey, waxaana masuuliyiintii halkaasi ka hadlay ay soo dhaweeyeen dadka aqoonyahanka ah ee dalka kusoo biiraya taasi oo ka qeyb qaadanaysa horumarka waddanka.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo isaguna ugu danbayntii halkaasi hadal ka jeediyey ayaa ugu horayn waxa uu hambalyo iyo bogaadin u diray guud ahaan ardayda ka qalin jabisay Jaamacada Eelo ee Magaalada Boorama, waxaana uu xusay muhiimada cilmigu u leeyahay Bulshada iyo saamynta toggan ee uu ku leeyahay dhanka horumarka iyo dhaqaalaha.

Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa yidhi “Waxaan marka hore hambalyeynayaa maamulka Jaamacada oo runtii hawl adag mudada 11-ka Sannadood kusoo jiray, annigu qudhaydu aasayaashaan ka mid ahaa Jaamacada, aad baan ugu hambalyeynayaa maamulka Jaamacada heerka ay soo gaadhsiiyeen iyo inay ku dedaaleen inay dhisaan Kambas ay leeyihiin si uga soo baxaan Guryaha Kirada ah runtii”

Madaxweyne ku xigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Waxaan kale oo aan hambalyeynayaa waalidiinta kusoo tabacday caruurtan ina hor fadhida ee quruxda badan leh, waxaa se maanta hambalyada gaarka ah ducada iyo dabaal dega gaarka ah leh dhalinyarta halkan qalan jabisay ee hablo iyo inamaba leh, waxaan leenahay hambalyo hambalyo”

Wa bilaahi tawdiiq

Image may contain: 10 people, people smiling, suit
Image may contain: 4 people, crowd
Image may contain: 18 people, people smiling, people sitting and crowd
Image may contain: 3 people, suit
Image may contain: one or more people and crowd