Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Kormeeray Mashaariicda Dhismaha Jidka isku xidhidoona Boorama Iyo Saylac

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Kormeeray Mashaariicda   Dhismaha Jidka  isku xidhidoona Boorama Iyo Saylac, Sidoo kalena Soo indha-indheeyey Biriijka Jaamacada Camuud.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta kulan saacado qaadatay kula yeeshay Xarunta Dawladda Hoose ee Boorama, Maamulka Gobolka  ka Degmada iyo  guud ahaanba Masuuiyiinta Laamaha Dawladda ee Gobolka Awdal, kulankan ayaa uu Madaxweyne ku xigeenku ku naaqishaayay islamarkaana warbixino kala duwan kaga dhegaysanaayey laamaha kala duwan ee heer Gobol iyo heer Degmo.

Madaxweyne ku xigeenka iyo waftigiisu waxay  kormeer ku tageen  dhismaha jidka isku xidha Boorama iyo Lawyacado iyo Biriishka  Jaamacadda camuud iyo Magaalada Boorama isku xidhidoona oo dhawaan uu dhagax dhigay Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxaanu Madaxweyne ku xigeenku halkaasi kula kulmay maauuliyiiinta ASARDA oo dhismaha jidkaasi iyagu gacanta ku haya.

Masuuliyiinta ASARDA oo halkaasi ka hadlay ayaa warbixin kooban ka siiyey Madaxweyne ku xigeenka iyo waftigiisa halka uu marayo dhismaha jidka isku xidha Boorama iyo Lawyacado, waxaanay ay xuseen in wakhtigan ay meel wacan u marayso imikana ay Carakaawe dhigeen 8KM.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo halkaasi  ka hadlay ayaa u mahadnaqay cidkasta oo ka qeyb qaadatay dhismaha jidkaasi wuxuuna ydihi “ Waddadu qiimaha ay leedahay waxa weeyaan Ganacsigay dardar gelisaa, Magaalooyinkay noolaysaa, Caafimaadkay qeyb ka tahay meel maanta oo dhan Ummusha lagu soo sidii lahaa Laba Saddex  saacadood ayaa lagu geyn karayaa nusasaacae, markaa runtii aad baan u hambalyeynayaa Asarda iyo intii hawshaa kala shaqaysaba”

Madaxweyne ku xigeenka ayaa shacabka reer Awdal u sheegay in maalintay Waddada Ceerigaabo soo dhammaato halkan loo soo wareejin doono Qalabka sida uu hore u balan qaaday Madaxweyne Muuse Biixi waxaana uu yidhi Madaxweyne ku xigeenku “Ballanta Labada Madaxweyne ee isaga danbeeyey Xisbiga Kulmiye labaduba waa idiin ballan qaadeen, kii hore dhagaxuu dhigay kii danbena ballan buu qaaday wuxuu yidhi Waddadaa Ceerigaabo ee awoodii dawladda loo tirinayey kolkay soo dhammaato ayaa halkan loo soo wareegayaa sidii baa ballantu u  taagan tahay”

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu sidoo kale Kormeer ku tegay halka uu marayo Biriijka jaamacadda camuud iyo Magaalada Boorama isku xidhidoona, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyey islamarkaana Warbixin ka siiyey Injiineerada gacanta ku haya hawshaasi iyo Gudoomiyaha Jaamacada Camuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed oo Madaxweyne ku xigeenka u sheegay in dhismaha Biriijku meel wacan maraaayo dhawaana uu dhammaan doono.

 

Wa-bilaahi tawdiiq