Madaxweyne Kuxigeenka Jamhuuriyadda Somaliland oo Kormeer Xog-ogaal u noqosho ah ku tegay Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta kormeer ku sameeyay xarunta Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL iyo Machadka Shaqaalaha Dawlada, Isaga oo u kuur-galay sida shaqada iyo hawl socodsiintu ay qaranka u hayaan ay u socoto. Guddoomiyaha Hayโ€™adda shaqaalaha Dawladda, Mudane Khaalid Jaamac Qodax, oo ay weheliyaan Guddoomiye ku xigeenka, agaasimaha guud, iyo Agaasimaha fulinta ee Macโ€™adka shaqaalaha ayaa ku soo dhaweeyey xarunta guud ee Hayโ€™adda shaqaalaha dawlada Madaxweyne ku-xigeenka. Guddoomiyuhu waxa uu warbixin ka siiyey dhammaan qeybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay Hayโ€™addu, waxaanu la wadaagey siyaasaddihii, xeerarkii iyo waxqabadkii dib-u-habaynta shaqaalaha ee Hayโ€™addu wadday sannooyinkii dambe oo dhan.

Ugu dambeyn Madaxweyne Ku-Xigeen ku waxa uu uga mahad-naqay dhammaan masuuliyiinta Hayโ€™adda shaqaalaha sida wacan ee ay qaranka ugu wadaan hawsha baaxadda leh ee ay qaranka u igman yihiin.