Madaxweyne Muuse Biixi Oo Kulan La Yeeshay Safiirka Dalalka Somaliland, Kiiniya Iyo Soomaaliya U Qaabilsan Waddanka Finland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ย maanta ย xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dalalka Somaliland, Kiiniya iyo Soomaaliya u qaabilsan dalka Finland Ambassador Erik Lundberg.

Kulankan uu madaxweynuhu la qaatay safiirka dalalka Somaliland, Kenya iyo Soomaaliya u qaabilsan waddanka Finland, ayaa lagaga wada hadlay arrimo dhawra oo ay kamid yihiin xoojinta xidhiidhka labada dal iyo sidii ay dawladda Finland Somaliland uga caawin lahayd horumarinta waxbarashada iyo iskaashiga dhinaca maal-gashiga.

Madaxweynuhu waxa uu ku hambalyeeyey dawladda Finland mashruuca toban jirsaday ee MIDAFINNSOM oo ay dawladda Finland kala shaqayso wasaaradda ย horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu dambayn madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu safiirkaย  ku bogaadiyey ย booqashada uu ku yimi dalka, waxana uu kulankaasi kusoo dhammaaday is af-garad buuxa.

Waxa madaxweynaha kulankaas ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahiย  Ismaaciil (Saylici) iyo wasiir ku-xigeenka Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland.

Bandhige@gmail.com