Madaxweyne Muuse Biixi Wuxu Shacabka Ku Hambalyeeyey Curashada Bisha Barakaysan Ee Ramadaan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudaneย  Muuse Biixi Cabdi, ayaaย  shacabka reer Somaliland iyo guud ahaanba ummadda Islaamka ah ku hambalyeeyey curashada bisha barakaysan ee Ramadaan oo la filayo inay caawa bilato.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo maanta saxaafadda la hadlay, ayaa ummadda Islaamka iyo shacabka reer Somaliland-ba u rajeeyey inuu Eebbe ku sugo khayraadka iyo xasanaadka bishan barakaysani ay xambaarsan tahay, isaga oo u rajeeyey inay wanaag iyo is jacayl ku gaadhaan bishan bisheeda, waxaana uu yidhi, โ€œWaxa ย inoo bilanaysa bishii barakaysnayd ee Ramadaan, bishan barakaysan awgeed waxa aan hambalyo u dirayaa ummadda reer Somaliland, gudo iyo dibadba, Ilaahayna waxa aan ka rajaynayaa inuu raxmaadkiisana inoo shubo, ummadda Islaamka ahna bash-bash iyo barwaaqo uu ku gaadhsiiyo sanadkan sanadkiisa, Ilaahay waxa aynu ka baryeynaa dambi-dhaaf, adduunyo san iyo Aakhiro san inuu wixii dhibaatooyin ah ummadda ka dul qaado.โ€

 

Madaxweynuhu waxa uu ummadda reer Somaliland kula dardaarmay inay ka faaโ€™iidaystaan khayraadka ay bishani xambaarsan tahay, kuna dhaqmaan awaamiirta Islaamiga ah ee bishan gudaheeda laga rabo qof kasta oo muslim ah, islamarkaana ay noqdaan kuwo dhexdooda ay gasho muxubbo iyo is-jacayl, isaga ooย  u rajeeyey inay meesha ka saaraan khilaafaadka yaryar ee ummadda dhexdeeda yaalla, โ€œUmmadda Somaliland meel ay joogtaba waxa aan ku adkaynayaa inay ka faaโ€™iidaystaan barakada bisha Ramadaan, soonkeeda iyo ajarkeeda, waxa kale oo aan reer Somaliland meel ay joogaanba usoo jeedinayaa inay walaaloobaan, Ilaahay ka baqaan, iyagu is ix-tiraamaan, dalkooda wada ilaashadaan oo iyaga oo mid ah wada horumariyaan, Ilaahay waxaan ka rajaynayaa inuu wixii dhibaato ah inagaย  dul qaado dhammaanteen, wixii khilaafaad ah ee dhexdeenna ahna inaga dulqaado oo uu boggeena burcad isu mariyo, gaar ahaanย  dagaallada qabaaโ€™ilka ah ee inagu soo noqnoqday inuu Ilaahay boggooda burcad isu mariyo oo ay hawlahoodu inaga dhammaadaan,โ€ ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

https://youtu.be/kP7qk827wbU

Wa-bilaahi Tawfiiq

 

Naasir Yuusuf Daahir

Director of the Presidential Media Department

Hargeisa – Republic of Somaliland

Line: 518390