Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta ku soo laabtay dalka ka dib safar uu Ingiriiska ku tagay 18-kii February, halkaas oo uu madaxweynuhu ku joogay fasaxisii sanadlaha ahaa.
Madaxweynuhu markii uu dalka ku soo laabtay waxa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey Maddaarka Cigaal, isagoo uga soo kicitimay dhinaca magaalada waxaana wadooyinka hareero tubnaa dadweyne ka mida shacbiga caasimada Hargeysa una diyaar ahaa soo dhawaynta madaxweynaha qaranka,isagoo madaxweynuhu u degay qaar ka mida dadkaasi lana hadlay, ugana mahadnaqay sida qiimaha leh ee ay u soo dhaweeyeen.
Soo-noqoshada madaxweynuhu waxay meesha ka saaraysaa xan ay warbaahinta qaarkeed isla dhex marayeen oo ay ku sheegayeen in uu madaxweynuhu xaalad caafimaad oo adag ku jiro.