Madaxweyne Siilaanyo oo cisbitaalka ku booqday Suldaan Maxamed Xirsi Qani

????????????????????????????????????

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu cusbitaalka International Hospital, Hargeysa, ku boqday Suldaan Maxamed Xirsi Qani oo xanuun ku-soo-boodo ah u jiifay ilaa xalay.

Suldaanka ayaa xaaladdiisa caafimaad ay aad u culayd xalay ilaa nuskii hore ee maanta kadib markii uu koomo ku jiray ilaa xalay. Hase ahaatee caawa fiidkii oo aanu la xidhiidhnay cusbitaalka International Hospital ayaa waxa naloo xaqiijiyey in uu ka soo noqday koomadii, walow caafimaadkiisu aanu weli dhammaystirnayn.

Madaxweynuhuna waxa uu Alle uga baryey Suldaanka in uu caafimaad sareecan ah oo degdeg ah siiyo kana dulqaado xanuunka.