Madaxweyne Siilaanyo wuxu degmooyin u magacaabay Masalaha Gorad iyo Cali Xaydh oo kala tirsan Goboladda Togdheer iyo Awdal

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4960/082017 uu maanta ku magacaabay labada degmo.

Madaxweynuhu: 

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad iyo Qodobka 109aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; 

Markuu Arkay:                     Qodobka 10aad ee Xeerka Gobollada iyo Degmooyinka oo tilmaamaya wax-ka-beddelidda Qaab-dhismeedka Dalka; 

Markuu Tixgeliyey:            Codsiyada ka yimid Madax-dhaqameedyada, Waxgaradka, Culimada iyo Odayaasha Deegaanka; 

Markuu Tixgeliyey:            Baahida loo qabo in Masalaha Gorad iyo Cali Xaydh loo magacaabo Degmooyin cusub; 

Markuu Dhegeystay:         Soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha;

Wuxuu go’aansaday; 

  1. In uu Masalaha Gorad u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Togdheer.
  2. In uu Cali Xaydh u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Awdal.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

    Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL