Madaxweyne Siilaanyo wuxu magacaabay Maareeyahay xidhiidhka Raashishka

 

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” wuxu maanta magacaabay Maareeyahay xidhiidhka Raashishka, magacaabistaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyadda, waxaanu u dhignaa sida tan:

War-saxaafadeed:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silanyo, waxa uu Xeer Madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-5038/092017 Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka (Food Coordination Agency) ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; 

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda ay Hay’adda Xidhiidhinta Raashinku u leedahay Dhismaha Qaranka; 

Markuu Arkay:                     In baahi loo qabo buuxinta jagada Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka ee FCA (Food Coordination Agency) ee Jamhuuriyadda Somaliland; 

Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

 

Markuu Ku Qancay:           In uu hanan xilkan loo magacaabay; 

Wuxuu go’aansaday 

In Mudane, Cali Diiriye Axmed (Maalin-tacab), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka (Food Coordination Agency) ee Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL