Waxa ugu dambayntii xabsiga laga sii daayey Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” oo ah maamule-xigeenka qaybta innamada ee dugsiga sare ee Nuuradiin, Hargeysa.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa Jimcahan maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabiley ninkan ay isku magaca yihiin oo toddobaadkii ina dhaafay ay Ciidamada Nabadgalyada Waddooyinka Somaliland xabsiga u taxaabeen kadib markii uu ganaax laga qaadayey ku diray adeegga ZAAD halkaana ay ku ogaadeen in uu saddexda magac iyo naanaystaba kala mid yahay Madaxweynaha Somaliland.
Gelinkii dambe ee maanta ayaa warbaahinta bulshadu ku xidhiidho lagu baahiyey sawirro ay ku wada jiraan Madaxweyne Siilaanyo, Maamule Siilaanyo, Mahad Ibraahim Maxamed oo ah maamulaha guud ee dugsiyada Nuuradiin iyo xubno kale, kuwaas oo ay dhammaantood ka muuqato farxad iyo dhoolla-caddayn.
Sida uu Khadar Baaruud oo kulankan ka qayb-galay ku baahiyey barta uu ku leeyahay Facebook-ga,ย Madaxweyne Siilaanyo wuu ku bogaadiyey Maamule-Xigeenka Nuuradiin in saddexda magac iyo naanaystaba ay wadaagaan.
Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Jeneraal Maxamed Fadal Iimaan oo Arbacadii la hadlay telefishanka Star ayaa xadhiga Siilaanyo ku sababeeyey iyadoo looga shakiyey in uu foojariyeeyeyย magacii iyo naanaystii Madaxweynaha Qaranka, taasina ay tahay dambi marka la eego sharciga u yaal Somaliland.
Hase ahaatee Mulkiilaha dugsiyada Nuuradiin ahna maamulaha guud ee dugsiyada Nuuradiin, Mahad Ibraahim Maxamed, ooย isaguna u warramay isla Telefishanka Star ayaa xaqiijiyey in maamule-xigeenkaย dugsiga sare ee innamada ee Nuuradiin uu magacfiisa dhabta ahi yahay Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” xukuumaddana wuxu ugu baaqay in ay xorriyaddiisa u soo celiso.
Xadhiga Maamule-Xigeen Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” wuxu buuq iyo dood ka dhex abuuray bulshada Somaliland iyadoo aad loogu falanqeeyey baraha ay bulshadu ku xidhiidho.
Maamule-xigeenka Dugsiga Sare ee Innamada ee Nuuradiin Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” ayaa naanystan la odhan jiray ilaa dhammaadkii 1980-maadkii wakhtigaas oo badi dadka Somaliland ay ku sugnaayeen xeryihii qaxootiga ee Itoobiya iyadoo loogu magac-daray Madaxweyne Siilaanyo oo waagaas hoggaaminayey jabhaddii caanka ahayd ee SNM ee dagaalka kula jirtay xukuumaddii Kacaanka ee uu madaxweynaha ka ahaa Jeneraal Maxamed Siyaad Barre “Afweyne”.
Sida uu tibaaxay mulkiilaha Nuuradiin, Maamule Axmed sababta barigaas loogu bixiyey naanaysta Siilaanyo waa jacayl ay dadka reer Somaliland u qabeen guddoomiyihii SNM Axmed-Siilaanyo.
Dhacdadan ayaa aad u soo jeedatay indhaha bulshada iyadoo dhalisay dood la xidhiidha in xadhiggiisu khalad yahay iyo in kale, mararka qaarna si kaftan ah ayaa dadka magacooda oo saddexan la yidhaa Axmed Maxamed Maxamuud looga digayey in la taxaabi doono. Dadka qaar ayaa iyaguna isku xil saaray olole Facebook-ga ah oo ay hal-ku-dheg uga dhigeen #FreeSiilaanyo, “haashtaaggaas” oo macnihiisu yahay “sii daaya Siilaanyo.”
Inkastoo dhacdadani ay ahayd bilaw aan wanaagsanayn, sida muuqata waxay yeelatay dhammaad wanaagsan.
Hoos ka daawo shir-saxaafadeedkii maamulka dugsiga Nuuradiin ay Arbacadii qabteen kuna dalbanayeen in la soo daayo Axmed-Siilaanyo.