Madaxweyne Siilaanyo wuxu tacsi u dirayaa Wasiirkii hore Wasaaradda Dhallinyarada iyo CIyaaruhu oo ku geeriyooday dalka Jabuuti

 

Madaxweyne Siilaanyo wuxu tacsi u dirayaa Wasiirkii hore Wasaaradda Dhallinyarada iyo CIyaaraha Cabdilaahi Faarax Maydhane oo maanta ku geeriyooday dalka Jabuuti.

War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyadda ayaa waxa uu dhignaa sida tan:

Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu tacsi u dirayaa siyaasiyiinta, aqoonyahanka, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha, Marxuum Cabdilaahi Faarax Maydhane oo ku geeriyooday Dalka Jabuuti maanta oo ay taariikhdu tahay 24/01/2017.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey Masuul ka baxay qaranka Somaliland, kaalin wax ku ool ahna ku lahaa, dardar gelinta iyo dib u dhiska waddanka, isagoo xilal kala duwan ka soo qabtay qaranka.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, siyaasiyiinta, aqoonyahanka, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Xuseen Aadan Cige (Deyr)