Booliska Zambia waxa laga mamnuucay in ay guursadaan dadka ajaaniibka ah

 

Booliska dalka Zambia ayaa laga mamnuucay in ay guursadaan dadka ajnabi ah, sida lagu shaaciyay wareegto ka soo baxday xafiiska taliyha booliska dalkaasi.

Wareegtadan oo ku mudaysnayd taariikhda 11-ka bishan January ayaa lagu sheegay in haweenka booliska ah ee u dhaxa raga ajnabiga ah ay keenan caddeynta guurkooda muddo todobaad ah.

Askarigii ku guul-darreysta inuu sidaa sameeyo ayaa la sheegay in tallaabo laga qaadi doono. Lama faahfaahinin tallaabdaasi waxa ay tahay.

”Howlaha amniga waa kuwo xasaasi ah, haddii aysan taxadarin askarta dumarka ah ee raga ajnabiga ah ay qabaana waxaa bixi karta sir dalka uu leeyahay’, ayay tiri Esther Katongo, oo ah afhayeenka booliska Zambia.

Waxay BBC-da u sheegtay in mamanuucidan aysan ahayn arrin cusub oo amarkan uu horay u sii jiray balse hadda la sii xoojiyay oo kali ah ka dib markii la helay askar iska indho tirtay amaradan.

Afhayeenka dowladda u hadashay waxay intaasi raacisay. ”Waxaa jira tusaale ahaan haween askar ah oo rag ajnabi ah guursaday. Waxaan sidaas darteed shaacinay amarada aan ku sheegayno tallaabooyinka ay tahay in la raaco”. Waad ogsoontahay inay boolisku hayan sir xasaasi ah oo haddii la dusiayo dhaawici karto amniga qaranka”.

bandhige@gmail.com