Madaxweyne Trump wuxu booqasho ku tagay Israa’iil

 

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa wuxu booqanayaa dalka Israa’iil iyo Falastiin, kadib booqasho labo maalmood ah oo uu ku tegay dalka Sacuudiga oo ay xulafo dhaw yihiin Maraykanka.

Madaxweyne Donald Trump ayaa intii uu ku sugnaa Sacuudiga wuxuu madaxda dalalka Islaamka ku booriyay in ay ka takhalusaan argagixisada oo ay ka saraan dalalkooda, isagoona arrintaasi ku tilmaamay inay tahay dagaal u dhaxeeya kuwa wanaaga jecel iyo sheydaanka, balse aysan aheyn dagaal u dhaxeeya diimaha kala duwan.

Mar uu ka hadlayay shirka Mareykanka iyo wadamada Islaamka ee lagu soo gabagabeeyay dalka Sacuudiga ayaa Trump wuxuu dalka Iiraan ku edeeyay inay hurineyso colaadda ku saleysan diimaha, ayna gacan siiso argagixisada ka howlgasha gobolka, wuxuuna intaas ku daray in dalka Iiraan ay taageerto waxa uu ugu yeeray dambiyada aan marnaba la shaacin ee ay geysato dowladda madaxweyne Bashar Al Asad.

Sabtidii Mareykanka ayaa waddanka Sucuudiga la saxiixday heshiis ganacsi oo gaaraya $350 bilyan.

Heshiiska waxaa ka mid ah midkii ugu ballaarnaa ee dhanka hubka ee uu abid galo Maraykanka, kaas oo uu Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Rex Tillerson ku sheegay in loogu talagalay in la isaga dhiciyo saameynta khatarta badan ee Iiraan oo ah dal ay gobolka isku hayaan Sucuudi Carabiya.

Balse heshiiska dhanka hubka ee ay wadaa saxiixdeen Mareykanka iyo Sacuudiga waxaa cambaareeyay wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Mohammad Javad Zarif.

Trump ayaa dhaliiyay khilaaf intii uu ku jiray ololaha doorashada kaddib markii uu ku baaqay in si ku meelgaar ah Muslimiinta looga mamnuuco inay soo galaan Mareykanka sababo dhanka ammaanka ah.

Shuruuc looga golleeyahay in lagu adkeeyo socdaalka dadka ka imanaya dalal Muslimiin ah ayaa weli horyaalla maxkamadaha Maraykanka.

bandhige@gmail.com