Madaxweyne Trump wuxu sheegay in Barack Obama ka dambeeyo mudaharaadyada ku socda

 

Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Donal Trump oo looga bartay arrimo lama-filaan ah oo buuq ka abuura waddankiisa ayaa xalay u sheegay telefishanka Fox News in uu Barack Obama ka dambeeyo mudaharaadyada ku socda ilaa maalintii uu kursiga ku fadhiistay oo ahayd 20-kii January 2017.

“Haa. Waxa ka dambeeya Barack Obama, sababtuna waa siyaasad” ayuu yidhi Trump.

Madaxweyne Trump wuxu sidoo kale Barack Obama ku eedeeyey sirta sida joogta ah uga baxda Donald Trump ee ay adeegsadaan kuwa ka soo hor jeeda siyaasadihiisa muranku ka jiro.

“Obama iyo colkiisa ayaa sirtan shaacinteeda iyo faafinteedaba sameeya. Waanan fahmi karaa oo waa arrimo siyaasadeed. Waxayna sidan u yeelayaan kadib markii kooxdiisa amnigu ay arrimo badan ku fashilmeen intii ay hoggaanka hayeen” ayuu yidhi Trump.

Hase ahaatete Trump muu sheegin wax caddayn ah kadib  markii uu telefishanka Fox News weydiiyey in uu eedaymahan culus caddayn u hayo.

Sahan warbaahinta Maraykanku samaysay ayaa lagu sheegay in 55% dadweynaha Maraykanku ay Trump u arkaan in aanu shaqo wanaagsan qabanayn, waana mid ka mid ah tiradii ugu badnayd ee madaxweyne Maraykan ah ka hor yimaad wakhti uu xilka hayey muddo 6 toddobaad ah.

Hase ahaatee waxa arrinkaas iska difaacay Trump wuxuna yidhi “Marka ay noqoto dhinaca wax qabadka darajadaydu waxay noqonaysaa “A”, marka ay noqoto dhinaca warbaahinta ama farriimaha darajadaydu waxay noqonaysaa “C”, wax badan baan qabtay laakiin waxaanu ku liidanaa in wixii aanu qabanay aanu ku faanno” ayuu yidhi Trump.

Bandhige@gmail.com