Madaxweyne-Xigeenka oo 18-ka May la xusi doona Boorama, soo-dhawayn diirranna maanta lagu qaabilay

Madaxweyne-Ku-Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil “Saylici” ayaa maanta u ambabaxay Boorama si uu ugala qayb-galo xuska 18-ka May, sannad-guurada 24-aad ee la-soo-noqoshada madaxbanaanida Somaliland.

Waftiga Madaxweynaha waxa ka dhex muuqday Wasiirka Beeraha Faarax Maxamed “Geedoole”, Wasiir-Ku-Xigeenka Caafimaadka Xasan Daahir Dhimbiil, Madaxa Hay’adda Shaqaalaha Maxamed Mixile Boqorre, Xildhibaan Cabdillaahi-Balaaki iyo masuuliyiin kale.

Dadweyne tiro badan oo caleemo lulayey ayaa maanta gelinkii hore si weyn ugu soo dhaweeyey weftiga Dila iyo Goroyocawl una galbiyey ilaa Boorama si ay u muujiyaan taageerada ay u ahaayn Madaxweyne-Xigeenka.

Sidoo kale waxa waftiga Madaxweyne-Xigeenka si diirran loogu soo dhaweeyey Boorama iyadoo dadweyne badani ay isa sii tubeen dariiqyadii la filayey in uu soo maro.

Kooxda caanka ku ah Sayliciga ayaa duleedka magaalada ku soo bandhigay ciyaaro kala duwan oo la xiiseeyey taas oo Madaxweyne-Ku-Xigeenkuna iska xajin kari waayey kuna biiray ciyaartii halkaas oo wefitigii iyo kooxdii weftigu ay jiibta iyo jaanta isla heleen.

Md. Saylici ayaa fagaaraha Khayriyada Boorama kula hadlay dadweyne farabdan oo soo dhawayntiisa ka qayb qaatay ayaa ka u mahad-celiyey sida loo soo dhaweeyey isaga oo xusay masuuliyiinta Gobolka iyo dadweynahaba.

Hoos ka daawo faahfaahinta safarka waftiga:

bandhige@gmail.com