Madaxweynihii hore ee Masar, Maxamed Mursi, oo dil lagu xukumay

Maxkamad ku taal Qaahira ayaa maanta dil ku xukuntay maxadweynii hore ee Masar Maxamed Mursi ka dib markii ay ku heshay danbi la xidhiidha jebinta dhawr xabsi oo ku yaal meelo kala duwan oo dalka Masar ah iyo fududaynta baxsashada 20,000 oo maxbuus oo uu ku jiray Mursi laftiisu.

Jeelashan waxa la jabsaday wakhtigii ay socdeen kacdoonnadii xukunka lagaga tuuray Xusni Mubaarik, kacdoonnadaas  oo sababay in markii dambe Maxamed Mursi loo doorto madaxweynaha Masar.

Xukunkan maanta lagaga dhawaaqay Qaahira waxa loo gudbin doonaa muftiga ugu sarreeya sharciga Masar kaas oo go’aanka kama dambaysta ah kiiskan ka gaadhi doona 2da Juun.

Qaraarka ay maanta maxkamaddu gaadhay waa kii ugu xumaa ee Maxamed Mursi filan karayey intii uu xabsiga ku jiray.

Lama oga waxa uu muftigu ka yeeli doono madaxweynihii koowaad ee ku yimid codka shacabka Masar, kaas oo ciidamada milatarigu ka tuureen kursiga July 2013 ka dib markii uu dhacay kacdoonka shacab ka dhiidhiyey wax ay ku macneeyeen “dadka oo siyaasad ahaan loo kala qaybinayey”.

Mursi iyo rag kale oo la xidhan waxa hore loogu eedeeyey in ay Xamaas iyo ururka Shiicada ah ee Xisbullah wada-shaqayn la sameeyeen ururadaas oo ku suntan argagixiso.

Maxamed Mursi waxa bishii April 21-keedii lagu xukumay 20 sanno iyadoo maxkamaddu shaacisay in ay ku heshay danbi la xidhiidha dilka dad ka hor banaan-baxayey madaxdooyada Qaahira December 2012kii.

Ilaa maalintii maxkamadayntiisu bilaabantay Mursi wuxu ku adkaysanayey in aanu gabi ahaan aqoonsanayn dacwadaha lagu soo oogay.

Qareenka Mursi difaacayey oo lagu magacaabo Maqsoud ayaa xukunka Sabtidan maxkamaddu riday ku tilmaamay in aanu xukun-caddaaladeed ahayn balse yahay uun go’aan.

Ka hor inta aanay qareennadu go’aansan tallaabada xigta ee ay qaadayaan waxay la tashan doonaan Mursi, waxay se marka hore dhawri doonaan go’aanka muftiga laga filanayo in uu qaato 2da Juun.

“Haddii muftigu go’aankan ku raaco maxkamaddan, waxa aanu sii wadi doonaa dagaalkayagii dhinaca sharciga waxanan daaha ka faydi doonnaa ceebaha uu lahaa go’aankii maanta la gaadhay” ayuu yidhi qareenka u doodayey Mursi.

Amnesty International oo ah hay’ad xuquuqda aadamaha u dooda ayaa go’aankan ku macnaysay “been-abuur”.

 

il-wareed: CNN

bandhige@gmail.com