Waftigii nabadaynta Taleex oo Laascaanood soo gaadhay

Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Khayraadka Biyaha Somaliland Baashe Cali Jaamac oo todobaadyadii u dambeeyey ku sugnaa Taleex si ay u dhexdhexaadiyaan laba beelood oo wada dega oo 21kii April dagaal culusi dhex maray ayaa maanta soo gaadhay magaalada Laascaanood.

Waxa waftiga Wasiirka ku wehelinayey Badhasaabka Gobolka Xaysimo Cabdirashiid Maxamed Axmed “Xiir” iyo Badhasaabka Gobolka Sool Yaasiin Maxamed Shide iyo madax-dhaqameed reer Taleex ah.

Wasiirka Khayraad Biyaha Baashe Cali Jaamac wuxu sheegay in nabadayntii beelaha Taleex ay meel wanaagsan marayso.

“Nabadayntii meel wanaagsan bay noo maraysaa. Hadda waxanu sugaynaa in ciddii dhexdhexaadinta rasmiga ah samayn lahayd ay Hargeysa ka timaad iyo muddadii oo la cayimo” ayuu yidhi Wasiirku.

Colaaddan u dhaxaysa beelaha Taleex ayaa bilaabantay afar sanno ka hor. In kastoo aanay iska-hor-imaadyadu si xidhiidh ah u dhicin haddana dhawr jeer ayay colaaddani muddadaas soo laba kaclaysay.

Dagaalkan u dambeeyey ee 21kii April dhacay oo khasaare naf iyo maalba ah gaystay wuxu joogsaday kadib markii ciidamada qaranka Somaliland ay kala dhex galeen joojiyeena dagaalkii.

Wada-xaajoodka hadda socda ayaa la filayaa in uu noqdo kii sida rasmiga ah collaaddan u soo afjari lahaa.