Madaxweyne-Xigeenku wuxu soo xidhay tartankii Qur’aanka Kariimka ah oo ay ka qayb-qaateen 480 arday

Madaxweyne-Xigeenka Somaliland Abdirahmaan Abdilaahi Ismail “Saylici” ayaa ka qayb-galay xafladdii lagu soo gunaanadayey tartanka Qur’aanka Kariimka ah oo labadii maalmood ee u dambeeyey ka soconayey Ambaasadoor Huteel Hargeysa.

Waxa iyaguna xafladdan goob-joog u ahaa wasiirro, culimaa’uddiin, waalidiin iyo ardaydii ku loollamaysay tartanka.

Ugu horrayn waxaa halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Alxayaad Al-Islaamiya Cabdixakiin Siciid Barre oo sheegay in tartakani marayo sannadkii saddexaad ayna ka qayb-galeen arday tiradoodu gadhayso 480.

Tartankani wuxu in muddo ah ka kala socday madaaris tiradoodu gaadhayso 80 oo lagu tartamayay xifiga quraanka kariimka ah 30 jis, 20 jis, iyo 10jis iyo axadiistii Rasuulkenii Suubanaa (SCW).

Wasiir Cali Warancadde oo erey ka jeediyey madasha ayaa hambalyo u diray waalidiinta ku soo tabacday ardayda ku guulaysatay tartanka iyo guud ahaan ardaydii faraha badnayd ee ka soo qayb-qaadatay intii tartanku socday.

Wasiir-xigeenka Diinta iyo Awqaafta ayaa isaguna sidoo kale hambalyo u diray ardaydii tartanka ka qayb-qaadatay, wuxuna ku nuuxnuuxsaday ahmiyadda uu tartanka Qur’aanka kariimka ahi u leeyahay xiftiga Qur’aanka.

Ugu dambayn waxa ereyo kooban xafladda ku soo xidhay Madaxweyne-Xigeenka Somaliland  Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil “Saylici.” oo sheegay in ay tahay farxad in la arko dhallinyaraii oo ku tartamaysa xiftiga Quraanka iyo Axaadiistii Nabigeena SCW. Madaxweyne-Xigeenku wuxu xusay muhiimadda tarbiyadda Islaamka, taas oo uu ku tilmaamay in ay qofka ku hagto jidka toosan.

Gunaanadkii Madaxweyne-Xigeenku wuxu shahaadooyin iyo abaal-marino guddoonsiiyey ku guuleysatay darajooyinga ugu sarreeya ee tartanka Qur’aanka.

Adaygii 30-ka Jis ku guulaystay waxa la guddoonsiiyey $500 iyo gudashada xajka oo laga bixin doono. Sidoo kale, dhammaan ardaydii kaalmaha hore ku guulaysatay waxa loo ballan-qaaday in lagu abaal-marin doono gudashada xajka ee sannadkan.

bandhige@gmail.com