Madaxweynihii hore ee dalka Gambia Yaxya Jammeh ayaa isaga tegay dalkiisa kadib markii uu aqbalay in uu xilka ku wareejiyo Madaxweynaha cusub ee la doortay Adama Barrow , oo isagu kaga guuleeystay doorashadii bishii December .
Sida laga soo xigtay masuuliyiinta ECOWAS , Jammeh waxaa uu ka degay dalka Guinea, oo uu uga sii gudbi doona dalka Equatorial Guinea.
Yaxya Jammeh ayaa horay u diiday in uu aqbalo natiijada doorashadii dalkaasi ka dhacday bishii Diseembar ee aynu ka soo gudubnay.
Talabadan ayaa timid iyadoo dhexdhexaadiyaal ka socda Galbeedka Qaarada Afrika ay saacadihii la soo dhaafay la kulmayeen Yaxye Jammeh.
Dhexdhexaadiyayaasha ayaa Jammeh ku qanciyay in uu xilka banneeyo, inkastoo uusan wax fahfaahin ah ka bixinin heshiiska la gaadhay.
Ciidammada wadammada Galbeedka Afrika ayaa hakiyay qorshohoodii milateri ee ay doonayeen in ay ku farageliyaan dalkaasi.
Ciidamadaasi ayaa Khamiistii ka talaabay xuduudda Gambia, saacado yar uun kadib markii la dhaariyey madaxweynaha cusub ee Gambia Adama Barrow , Waxaana Adama Barrow lagu dhaariyey gudaha safaaradda Gambia ay ku leedahay dalka Senegal.