Madaxweynihii ku guulaystay doorashadii Madaxweynimada Gambia waxa lagu dhaariyey Senegal

 

Madaxwynaha cusub ee Gambia, Adama Barrow, ayaa lagu dhaariyay safaarada Gambia ee Dakar ee Senegal.

Qudbadiisii ayuu Madaxweyne Barrow ka codsaday urur goboleedka Galbeedka Afrika, ECOWAS iyo Qaramada Midoobay in ay taageeraan waxa ay doonayaan dadka reer Gambia.

Wuxuu sidoo kale ku dhiiri galiyay ciidamada Gambia in ay joogaan xeradooda, wuxuuna sheegay kuwa aan joogin xerada in loo arki doono mucaarid.

Dhaarinta madaxweynaha ayaa lagu qabtay magaalada Dakar ee Senegal, kadib markii madaxweynihii hore ee Yahye Jammeh uu diiday in uu xilka ka dego kadib markii laga guulaystay.

Urur goboleedka Galbeedka Afrika ayaa ciidamo u soo diray xadduuda si ay cadaadis u saaraan Madaxweyne Jammeh.

bandhige@gmail.com