Magaalada Hargeysa ayaa lagu qabtay munaasibad lagu xusayo toddobaadka Sayniska Afrika.

Munaasibadan oo lagu qabtay Hutel Casood ee magaalada Hargeysa, waxa ka soo qayb galay wasiirka isgaadhsiinta iyo tiknoolojiyada, masuuliyiin ka socday wasaaradda waxbarashada, dhallinyarada ururka Barkulan, ardayda Jaamacadaha dalka iyo dhallinyarada hal abuurka leh iyo guddoomiyaha machadka xog ururinta Sayniska iyo Injineerada Somaliland.

Furitaanka Xuska munaasibadan ugu horayn waxa ka hadlay Injineer Cismaan Axmed Faarax, waxaanu sheegay in xuska maalinta toddobaadka Sayniska Afrika ay ka wada qabsoomi doonto 11 dal oo Somaliland ka mid tahay, waxaanu xusay in ay tahay markii ugu horraysay ee Somaliland fursad u heshay inay qayb ka noqoto ururka Saynisyahanadda iyo Injineerada ee Qarrada Afrika.

Wasiirka wasaaradda isgaadhsiinta iyo tiknoolojiyada Somaliland Cabdiweli Sheekh ayaa soo dhaweeyay xuska toddobaadka Sayniska ee Afrika, isla markaana tilmaamay in fursadani ay tahay mid ay ka faa’idaysan doonaan dhallinyarada hal abuurka leh ee xagga tiknoolijiyada, waxaanu u mahadnaqay guddoomiyaha Machadka xog ururinta Sayniska iyo Injineerada Somaliland (Somaliland Stem), Cadnaan Cismaan Yaasin iyo dhallinyaraddii ka qayb qaadatay in sannadkan xuskan mihiimka ah lagu qabto Somaliland, nasiibna ay u heleen in ay ka mid noqdaan ururka Qarrada Afrika u qaabilsan Sayniska iyo Injineernimada.

Agaasimaha waaxda Sayniska ee wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Ubax ayaa soo dhaweysay xuska maalinta Sayniska waxaanay xustay in ay fursad u tahay dhallinyarada Somaliland ee hal abuurka leh, qaar ka mida ardaydii ka socotay Jaamacadaha dalka ayaa soo dhaweeyay xuska munaasibadan.

Guddoomiyaha Machadka xog ururinta Sayniska iyo Injineerada Somaliland Cadnaan Cismaan Yaasin, ayaa sheegay in xuska toddobaadka Sayniska oo lagu qabnayo magaalada Hargeysa uu socon doono muddo 5 cisho ah, isla markaana ay dhallinyaradu ku soo bandhigi doonaan aqoontooda maskaxeed ee xagga hal abuurka iyo tiknoolojiyada, waxaanu intaas ku daray in dadaalo badan oo ay sameeyeen ay ku guulaysteen in Somaliland qayb ka noqoto xuska toddobaadka Sayniska Afrika oo sannad walba la qabto, waxaanu u mahadnaqay wasiirka isgaadhsiinta iyo dhallinyaradii qaybta ka ahayd.

 

Bandhige@gmail.com