Maleeshiyo cusub ayaa lagaga dhawaaqay Sanaag Barri iyo loolanada u dhaxeeya kooxaha ku hirdama deegaankaasi

 

Beesha Warsangali ayaa kaga dhawaaqday deegaamadda Sanaag Barri Jabhad cusub oo ay beeshu ku dufaacan doonto deegaamadeeda, iyadoo xilligan kooxaha Alshabaab iyo Daacish la wareegeen buuralayda ay beeshu dagto.

Jabhadan ayaa warbaahinta marisay ujeedada ay u aasaasmeen, iyadoo hore Jabhado noocan oo kale ah ay beeshu sidan oo kale u samaysatay ay ku danbeeyeen inay isku bedelaan maleeshiyo taabacda kooxaha alshabaab sida tii Atam oo kale.

Buuralayda Gobolka Sanaag ayaa waxa ka taagan dagaalo joogta ah oo u dhaxeeya Puntland iyo kooxaha mayalka adage e Alshabaab iyo Daacish, waxaana ka dhacay dhawaan dagaalo kooxahaasi ku naafeeyeen ciidamada Puntland.

Maamulka Puntland ayaa kaga jawaabay weerarkii u danbeeyey in ay madaafiic iyo diyaarado u adeegsadaan buuralaydaasi, hase yeeshee ay arrintaasi saamaysay dadka deegaanka, taas darteedna ay beeshu ugu dhawaaqday Jabhadan si ay u ilaashaan danahooga.

Xigasho: Waaheen Media

bandhige@gmail.com