Kooxda Asal waxay hannatay koobka Ramadaanta ee Garoonka Dhallinta

 

Kooxda ku ciyaaraysay magaca Shirkadda Daabacaada ee Asal Prining and Press ayaa shalay hantiday koobka Ramadaanta ee ka socday Garoonka Dhallinta bishii Ramadaan.

Tartanka oo ahaa mid aad u xiiso badan ayaa waxa ciyaarta kama dambaysta isku soo baxay laba kooxood ee Asal iyo Hono Group oo ciyaarta wakhtigeedii ku dhammaatay bar-bardhac.

Kadib markii wakhtigiii ciyaartu soo idlaaday ayaa waxa laba kooxood loo soo bandhigay gool ku laag.

Gool ku laagkiina waxay guushu 3:2 ku raacday kooxda Asal Prining and Press.

Xafladan waxa sidoo kale ka soo qayb galay Madaxweyne-ku-xigeen Somaliland ahna ku simaha Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil “Saylici”.

Madaxweyne-ku-xigeenku wuxu gabagabadii ciyaarta koobka guddoonsiiyey kooxda Asal Prining and Press.

Kooxda Asal Printing and Press ayaa waxa watay Guddoomiyaha Kooxda Axmed Maxamed Cismaan “Axmed Cigaal”.

bandhige@gmail.com