Nin ayaa iska ooyay markuu dhagaystay garaaca wadnaha gabadhiisa oo dhimatay

 

Waxa la baahiyay sawirrada markii aabe uu dhagaystay wadnaha gabadhiisa oo dhimatay oo ka dhex garaacmaya xabbadka nin ay badbaadisay, arrintaasi waxay ka dhacday dalka Maraykanka.

Bill Conner ayaa baaskiil ka qaatay gurigiisa oo ku yaalla Wisconsin isaga oo boqollaal kiiloo mitir jaray si uu garaaca wadnaha gabadhiisa ugu soo dhagaysto magaalada Baton Rouge ee caasimadda u ah gobolka Louisiana ee dalka Maraykanka.

Ilmo ayaa ka soo daadatay markii uu dhagaystay garaaca wadnihii ay gabadhiisu ku deeqday markii ay dhimatay oo ku jira jidhka Loumonth Jack.

Jack ayaa loo sheegay in ay maalmo uun u dhiman yihiin kadib markii wadnaha laga qabtay.

“Wuu ogyahay in sababta uu u nool yahay ay tahay gabadhayda Abey, Abey isaga ayay ku dhex nooshahay – wadnaheeda ayaa sabab u ah in uu in uu si sax ah u taagan yahay,” Conner ayaa sidaas u sheegay warbaahinta CBS News.

“Waan ku farxay isaga iyo qoyskiisaba, dhanka kalena waxaan mar kale la kulmay gabadhaydii.

Abbey iyo walaalkeed oo miyir daboolmay ayaa laga helay baraag lagu dabaasho oo ku taalla magaalada loo dalxiistago ee Cancun ee dalka Maksiko.”

Waxa diyaarad loo saaray magaalada Fort Lauderdale ee gobolka Florida, halkaas oo dhakhaatiirtu qalab ku xidheen tan iyo intii ay uga suurtagalaysay in xubnaheeda lagu tallaalo dad kale, walaalkeed ayaase badbaaday.

Conner oo gabadha aabaheed ah ayaa sheegay in Abbey ay iyadu go’aansatay in ay xubnaheeda ku deeqdo markii ay 16 sanno jirtay.

“Haddii aad saaxiibbo tihiin markaste way ku garab istaagi lahayd, dadka baahan ayayna caawin jirtay – sidaas ayay ahayd,” ayuu yidhi.

Conner ayaa go’aansaday in uu baaskiilka ku maro 4000 oo kiloo mitir si uu wacyigalin ugu sameeyo xubnaha lagu deeqo una booqdo Cisbitaaalka Broward Health Medical Center oo hayay maydka gabadhiisa.

Intii uu dhexda ku sii jiray ayuu ogaaday in uu la kulmi doono Jack.

Cisbitaalkii hayay maydka Abbey ayaa waraaqo u diray afar ruux oo lakala siiyay xubnaheeda si ay ula kulmaan aabaheed.

Afartaas ruux waxaa ka mid ahaa Jack oo xaaladdiisa caafimaad ay aad u sii xumaanaysay ka hor inta uusan helin wadnaheeda.

“Way i badbaadisay uma abaalgudi karo. Waxaan jeclaan lahaa in aan u abaalgudi karo laakiin ma awoodo,” Jack ayaa sidaas u sheegay telefeshinka WAFB.

Hadda waxaan samayn karaa oo kali ah in aan jacayl la wadaago qoyskeeda ayuu intaas ku daray.

Dadkii goobjoogga ka ahaa kulanka Conner iyo Jack ayaa ku tilmaamay mid quluubta dadka taabtay.

“Wax aan la rumaysankarin ayay ahayd,” ayay BBC-da ku tidhi Mary Klemenok oo u hadashay hay’adda xubnaha la isu tabaruco ka shaqaysa ee Louisiana Organ Procurement Agency.

“In Abbey ay rabtay in xubnaheeda ay ku tabarucdo marka ay geeriyooto ayaa jaanis siiyay naf kale si ay u noolaato.”

Bill ayaa dhagaystay garaaca wadna gabadhiisa ka dibna duubtay si uu u haysto inta uu noolyahay, xaqiiqo ahaanna waa arrin aad u qurux badan.

bandhige@gmail.com