Koox hubaysan oo loo malaynayo Al-Shabaab ayaa weeraray Bangiga ku yaalla Kiiniya

 

Maleeshiyo loo malaynayo in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa weerar ay ku qaadeen bangi ku yaalla magaalada Mandheera ee Waqooyi-Bari Kiiniya, waxay ku dileen saddex qof oo laba ay rayid yihiin halka qofka kalena uu ahaa mid ka mid ah ciidamada amniga.

Sidoo kale, miino waddada dhinaceeda la dhigay ayaa ku qaraxday waddada isku xidhta Mandheera iyo Ceel-waaq, balse waxaa lagu soo warramayaa in aan qaraxaasi wax khasaare ah ay ka dhalan.

Mandheera, waxaa hore uga dhacay weerarro xidhiidh ah oo ay ku dhinteen rayid iyo waliba ciidamada amniga Kiiniya, waxaana mas’uuliyadda weeraradaasi sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Kooxda Al-Shabaab ayaa toddobaadyadii tagey aad u kordhisay weerarada ay ka fuliso gudaha Kiiniya, gaar ahaan deegaanada ku dhow xuduudda Soomaaliya, halkaasi oo ay ku dileen tobaneeyo qof.

bandhige@gmail.com