Malta: Boqolaal qof oo Muhaajiriin ah ayaa la aaminsan yahay in ay ku geeriyoodeen xeebaha Libya

Warbaahinta dalka Malta ayaa sheegaysa in mar kale musiibo ka dhacdey badda Mediterranean kadib markii doon ay saarnaayeen dad ka badan 650 oo qof ay kula degtey xeebaha dalka Liibiya.

Times of Malta ayaa qortey in 28 qof oo keliya la soo badbaadiyey ilaa hadda, waxaana tan iyo habeenkii xalay socdey baadigoobka dadka loogu jirey. todobaadkii hore ayey ahayd sidaan oo kale markii dad aad u badan oo kor u dhaafaya 400 oo qof ay ku geeriyoodeen biyaha u dhexeeya Waqooyiga Afrika iyo Yurubta Koonfureed.

Raysalwasaaraha Malta  Joseph Muscat  ayaa xaqiijiyey musiibadan ka dhacdey mar kale badda Mediterranean

Doonta ayaa ku degtey meel u jirta 193km Jaziirada Lampedusa, waxayase weli ku dhexjirtey biyaha dalka Libya. Muhaajiriinta ayaa doonaayey in ay nolol cusub u doontaan dalalka  Midowga Yurub. Dadka doonta sarnaa ayaa badankood ahaayeen Afrikaan, lama yaqaano inta Soomaali la socotey.

Todobaadkii la soo dhaafey 13,000 oo muhaajiriin ah ayaa laga soo badbaadiyey badda Mediterranean.

Qul-qulka Muhaajiriinta iyo dhimashada ay wajahayaan ayaa si weynsasnadkan kor ugu kacdey, waxaana qayb ka ah mushkiladda ka taagan dalka Libiya.