Maraykanka oo maanta ka baxay Komishanka Xuquuqda Aadamaha ee Qaramada Midoobay, wuxu sheegay in Israa’iil laga eexday

Maraykanka ayaa maanta ka baxay Komishanka Xuquuqda Aadamaha ee Qaramada Midoobay. Islaanta Maraykanka u fadhida Qaramada Midoobay Nikki Haley ayaa saaka ku dhawaaqday go’aankan.

Go’aankan oo Maraykanku muddo dheer hadal hayey ayaa lagu sababeeyey in Komishanku ka eexdo Israa’iil oo ay xulufo yihiin Maraykanka isla markaana ku fashilmay in uu wax ka qabto kuwa ku tacadiya xuquuqda aadamaha.

Go’aankan ayaa ku soo beegmaya maalin kadib markii Komishanka Xuquuqda Aadamuhu uu cambeereeyey go’aan Madaxweyne Trump oo ku kala irdheeyey carruur iyo waalidkoodii oo u soo tahriibay Maraykan, iyadoo carruurtana la reebay waalidkiina la celiyey.

Xoghayaha Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay go’aanka uu Maraykanku qaatay.

Ururrada caalamiga ah ee u dooda xuquuqda aadamaha ayaa cambaareeyey go’aankan waxaanay waraaqo ay arringan kaga xun yihiin u direen Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraynka Mike Pempeo.

Il-wareed: CNN