166 qof ayaa la laayahay kadib markii ay dooni kula quustay Indooniisiya

Dooni loox ka samaysan oo mushaaxaysay gobolka Waqooyiga Sumatra oo mushaaxaysay harada Toba Lake ayaa quustay Isniintii, sida ay maanta baahisay dawladda Indooniisiya.

Tirada doonida saarnayd iyo magacyadooda si dhab ah looma oga, sababtoo ah doonidu may lahayn liiska maanifest-ka ee lagu aqoonsado faahfaahinta rakaabka.

Haeyeeshee 166 qof ayaa hadda qoysaskoodii soo gudbiyeen in raq iyo ruuxba la laa’yahay.

Waxa weli socda gurmadka ay wadaan ciidamada kala duwan ee Indooniisiya iyadoo la hawlgaliyey 350 qof oo u tabobaran masiibooyinka noocan ah. Ilaa hadda waxa suurto gashay in la bedbaadiyo 18 qof oo rakaabkii ka mid ah.

Madaxa hay’adda ka hortagga masiibooyinka ee gobolkaas Mahler Tamba ayaa tibaaxay in dadka la bedbaadiyey aan qaarkood wali haybtooda la aqoonsan.

Suwarni, oo wiil 20 jir ah oo ay dhashay iyo gabadh ay is calmadeen saarnaayeen doonta quustay ayaa canaan u jeedisay xukuumadda iyo kooxaha gurmadka.

“Milyan su’aalood oo aan qabo ayaa hurdada ii diidday” ayay tidhi iyadoo quus ka joogta hawlaha gurmadku in ay wiilkeedii soo heli doonaa.

Il-wareed: Aljazeera