Maraykanka: Warshad hilibka moorisa oo shaqadii ka eridey 200 oo Muslimiin ah

Warshad hilibka moorisa ayaa waxay shaqadii ka eridey shaqaale Muslimiinta ah oo gaadhaya ilaa 200 oo qof, shaqalaahan shaqada la eryey ayaa waxay cabasho ka sameeyey wakhtiyadda salaada ay tukanayaa oo markii hore loo ogolaa wakhti, balse imika lagu soo rogay xeerar adag oo aan u ogolaanayn in tukadaan salaadam, Shaqaalaha shaqada la eryey ayaa waxay u badan yihiin Soomaali,
Afhayeen u hadlay golaha xidhiidhka Muslimiinta Maraykanka, Jeylaani Xuseen ayaa waxa uu sheegay in shaqaalaha warshadda hilibka ee Cargill muddo loo oggolaa in ay cibaadeystaan.
Afhayeen u hadlay warshadda Cargill waxaa uu sheegay in ay warshaddu lahayd meelo lagu tukado. Hase ahaatee isticmaalkooda loo baahan yahay in la waafajiyo baahida shaqada.
Agaasimaha fulinta ee guddiga xuquuqda aadanaha ee Soomaalida, Cumar Jamaal, waxaa uu sheegay in maamulayaasha ay ahayd in ay fahmaan in Muslimiintu ay tahay in ay tukadaan waqtiyo kala duwan maalintii taas oo ku xidhan waqtiga sannadka ee lagu jiro.
guud ahaan Muslimiinta dunidda ku nool gaar ahaan kuwa waddamada reer galbeedka ku nool ayaa waxa soo food saartay caddaadis looga baqo qabo dhinaca amniga.
xigasho warkan waxaanu ka soo xiganay BBC Somali.
bandhige@gmail.com