Maraykanka wuxu ku eedeeyey Eeraan in ay khilaafyo badan ku lug leedahay

 

Xoghayaha difaaca Maraykanka, Jimm Matti, ayaa sheegey in meel kasta oo khilaaf ka jiro ay Eeraan ku lug leedahay. Isaga oo ku sugan wadanka uu loolanku ka dhexeeyo Eeraan ee Sucuudiga ayuu sheegey in ay lagama maarmaan tahay in wax laga qabto dedaalka ay Eeraan ugu jirto carqaladeyta Yemen.

Hadalkan ayuu yidhi saacado kadib marklii uu xoghayaha arrimada dibada ee Mareykanku sheegey in ay Eeraan ka soo baxdey heshiiskii nukliyeerka ee ay maamulkii Obama wada galeen, balse waxa uu sheegey in uu madaxweyne Donald Trump amrey in dib loo eego in go’aankii cunaqabateynta lagaga qaadey Eeraan laba sanadood kahor ay Mareykanka dani ugu jirto.

Warqad uu Tillerson u qorey Congeress-ka ayuu werwer kaga muujiyey waxa uu ugu yeedhay lugta ay Eeraan ku leedahayay maalgelinta argagixisada.

bandhige@gmail.com