Maraykanka wuxu shaaciyey shuruudaha ay Kim Jong Un, noloshiisa ku dayn karaan

 

Wargayska Daily Star ee Dalka Maraykanka ayaa si weyn ugu dhabbo galay xiisadda cirka isku sii shareeraysa ee u dhaxaysa Maraykanka iyo Kuuriyada waqooyi, xilli ay labada dhinac is dhaafsadeen hanjabaado waaweyn oo keeni karayey dagaalweyne sadexaad oo dunida ku yimaadda, waxana Wargaysku sheegay in shuruudihii u horeeyey ee maraykanku soo jeediyey ay gaadheen Madaxweynaha K/Waqooyi Kim Jong Un.

Wargaysku waxa uu leeyahay labada wadan waxay kala taagan yihiin labo mowqif oo kala fog taasoo dunida u horseedi karta dhibaato amni oo aanay cidina mahadin doonin, iyadoo Maraykanku ay u bandhigeen Hogaamiyaha Kuuriya in ay ka dalbanayaan in uu ka takhaluso hubkiisa Nuclier-ka, taa bedelkeedana aanay marnaba weerar ku qaadi doonin dalkiisa, farogelina ku samaynayn xukunkiisa.

Diblumaasiyiin Gobolkaa ku sugani waxay ku adkaysanayaan in Shuruudaha maraykanka ay ka mid yihiin:

  • In Kuuriyada Waqooyi baabiโ€™iso Quwadeeda Nuclier-ka.
  • In Madaxweyne Kim Jong Un uu Sii ahaado Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi.
  • In Ciidamada Maraykanku ka baxaan Kuuriyada Koonfureed iyo saldhigyadooda kale ee Gobolkaa.
  • in Labada Kuuriya ay sii ahaadaan labo wadan oo kala madax banaan.

Sida la ogyahay Dalka shiinaha ayaa mudooyinkii u dambeeyey u kala dab qaadayey labada dhinac, Maraykanka iyo W/Kuuriya, iyadoo Kim Jong Un ay ku adag tahay inuu aamino ballanqaadada Maraykanka, gaar ahaan kuwa uu goโ€™aankeeda wax ku leeyahay wasiirka Arimaha Dibada ee Maraykanka Rex Tilerson oo la aaminsan yahay inuu yahay ninka ku ad-adag in weerar lagu qaado Kuuriyada waqooyi.

Xigasho: Xogtadunida.com

bandhige@gmail.com