Dawladda Maraykanka ayaa shaaca laga qaaday in ay bixinayso kharashka lagu soo iibinayo kaadhadh madhan iyo qalabkii lagu daabacayey ee codbixiyeyaasha Somaliland, oo ku baxayso dhaqaale gaadhaya hal milyan oo dollar.
Michael J. Zamba, madaxa warbaahinta, hay’adda Creative Association International ayaa shaaca ka qaaday in dhaqaalaha ku baxaya iibka kaadhadhka codbixiyeyaasha iyo qalabka lagu daabacayo oo ay maalgelisay hay’adda USAID, ka mid yahay taageeradooda Komiishanka Doorashooyinka Somaliland, Ururada aan dawliga ahayn iyo warbaahinta.
Zamba oo ka jawaabayey su’aalo shabakada Somalilandspan.com ka weydiisay kaalinta ay ku leeyahiin daabacaada kaadhadhka codbixiyeyaasha Somaliland ayaa yidhi:
“Haa, mashruuca BUILD waxa ku jira kharshka soo iibinta kaadhadhka madhan ee codbixiyeyaasha iyo qalabkii lagu daabaci lahaa, oo ku baxayso kharsh gaadhaya $976,271 US. Dollars. Dhaqaalaha waxa bixisay hay’adda horumarinta caalamka (USAID).”
Mar uu ka hadlayey kharash dheeraad ah oo ku baxaya safar 2 xubnood oo Komiishanka Doorashooyinku ugu socdaalayaan magaalada Paris ee dalka Faransiiska, ayuu raaciyey:
“Mashruucan waxuu kaloo bixinayaa kharashka socdaal ee labo xubood oo Komiishanka Somaliland ku tegayaan magaalada Paris”.
Mar la weydiiyey maadama muddo kooban ka hadhay xilligii loo qorsheeyey doorashada madaxweynaha ee Somaliland qabsoonto, siduu u arko in lagaga gaadhsiin karo qeybinta kaadhadhka Codbixiyeyaasha Somaliland waxa uu ku jawaabay:
“Komiishanka Somaliland iyo mashruuca BUILD khubaradoodu waxay isla qaateen in wakhti ku filan loo helayo qeybinta kaadhadhka codbixiyeyaasha iyo qeybintooda, doorashada ka hor.”
Jawaabaha Zamba, madaxda warbaahinta hay’adda Creative Association International ayaa su’aalo cusub oo jawaabahooda laga sugayo Komiishanka Somaliland ka abuurmayaan, la xidhiidha haddii hay’adda USAID bixinayso kharashka soo iibinta kaadhadhka Codbixiyeyaasha Somaliland iyo daabacaadooda, maxaa lagu qabanayaa kharash gaadhayey 4 Milyan ee ay dhowaan xukuumadda Somaliland ku wareejisay Komiishanka Doorashooyinka, oo loogu tallogalay hawlaha la xidhiidha kaadhadhka Codbixiyeyaasha Somaliland.
Dhinaca kale, Gudoomiyaha Komiishanka Doorashooyinka Somaliland Cabdiqaadir Iimaan oo wax laga weydiiyey kharashka hay’adda USAID ku bixinayso iibka kaadhadhka madhan iyo qalabkii lagu daabacayey iyo kharashkii dhowaan xukuumadda Somaliland ku bixisay kaadhadhka ayaan wax jawaab ah ka soo bixin.
Xigasho: Somalilandspan.com