Maraykanku waxa uu ciidamo u dirayaa Suuriya si ay gacan uga gaystaan qabsashada Raqqa oo ISIS gacanta ku hayso

Maraykanka ayaa sheegay in uu ciidamo kale oo tiradoodu dhan tahay 200 u dirayo dalka Suuriya si ay ula dagaallamaan kooxda sheegata Dawladda Islaamka.

Xoghayaha gaashaandhigga Maraykanka, Ash Carter, oo ka hadlay shir jaraa’id oo ka dhacay dalka Baxreyn, ayaa sheegay in ciidammada dheeraadka ahi ay gacan siin doonaan xoogagga guddaha ee dagaalka ugu jira sidii dib loogu qaban lahaa magaalada Raqqa.

Magaalada Raqqa ayaa ah magaalada ay kooxda jihaad-doonka ee sheegata Dawladda Islaamka ku sheegaan in ay tahay caasimadda khaliifadooda.

Isagoo ka hadlayey wada-hadallada ammaanka ee Bariga Dhexe ayaa Xoghayaha difaaca wuxuu sheegay in askarta ay isugu jiraan kuwa sida gaarka ah u tababaran, tababareyaal, la taliyeyaal iyo kooxaha bambooyinka kala furfura.

Waxay ku biiri doonaan 300 oo askari oo ah kuwa sida gaarka ah u tababaran oo horeba Suuriya u sii joogay.

Bishii hore ayaa dagaallameyaal Kurdiyiin iyo Carab isugu jira oo ka mid ah xulafada uu Mareykanku hoggaamiyo waxay sheegeen inay billaabeen hawlgal ay ku qabsanayaan Raqqa.

bandhige@gmail.com