Maraykanku wuxu dal-ku-galka ka joojinayaa afar dal

 

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in ay qorsheeneyso in ay joojiso in ay dal-ku-gal siiso dadka kasoo jeeda afar dal oo diiday in ay aqbalaan muwaadiniintooda laga soo mastaafurinayo Maraykanka.

Afatan dal ayaa kala ah saddexda dal ee Africa ee Eritrea, Guinea, Sierra Leone iyo dalka Cambodia.

Dowladda Maraykanka ayaa horey laba goor u hakisay Visa-ha dalalkan, intii lagu guda jiray maamulka madaxweyne Obama, si ay ugu qasabto in ay aqbalaan in dadkooda loo soo mastaafuriyo.

Toddobaadkii tagey, Waaxda Amniga Guddaha Maraykanka ayaa ku war-gelisay Waaxda Arrimaha Dibedda in afartan dal ay diidan yihiin in ay aqbalaan in muwaadiniintooda ama ay si aan sabab lahayn dib ugu dhigayaan, taasi oo xadgudub ku ah qodobka 243(d) ee xeerka socdaalka Maraykanka.

Dadka la mastaafurinayo ayaa ah dad si sharci darro ah ku joogay Maraykanka oo la qabtay.

Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa hadda qiimeeneysa sidii amarkan loo fulin lahaa.

Amaradii hore ee lagu hakiyey dal ku gallada ayaa saameeyey diblomaasiyiinta iyo saraakiisha dowladda, hase yeeshee weli ma cadda cidda ay xanibaaddan cusub saameyn doonto.

bandhige@gmail.com